4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 7 , 2016
QM oo si rasmi ah u ansixisay Antonio Guterres

Jimco, Oktober 07, 2016 (HOL)-Raisul wasaarihii hore ee Portugal Antonio Guterres ayaa shalay si rasmi ah loogu magacaabay jagada xog-hayaha guud ee QM.


Wuxuu baddalayaa Ban Ki Moon oo xilligiisii dhammaaday. Si kastaba ha ahaatee waxaa horyaala caqabado waaweyn iyo inuu xilkiisa u guto si wanaagsan inta jagadaa uu hayo asagoo rajeynaya in masuuliyadaa la saaray uu ka soo dhalaalo.


Sida aanu ka soo xiganay wakaalada wararka ee Mareykanka ee AP, codeynta loo codeeyay Guterres waxay niyad jab ku tahay dad u ololeynaayay in markaan ay haweeney QM u noqoto xog-haya guud.


Waxay kale oo arintani murugo ku keentay dad ayagu u ololeynaayay in xog-hayaha guud ee QM ee xiga uu ka yimaado dal ka mid ah dalalka bariga qaarada Yurub.


Guterres ayaa 10 sano ahaa madaxa hayada qaxootiga ee UNHCR waana nin aad u fahamsan arimaha caalamka haatan ka taagan.

 

Si kastaba ha ahaatee, waxaa Guterres looga fadhiyaa inuu arimo badan toosiyo sida taageerada loo hayo dumarka iyo hablaha caalamka uuna dawrkooda horumarka caalamka xoojiyo.

Waxaa sidoo kale lagu wadaa inuu haweeney u magacaabo inay noqoto ku xigeenkiisa.

Aaden M Warsame
Hiiran Online
[email protected]