4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Oct 7 , 2016
Haweenka Soomaaliyeed oo difaacay kootada dumarka

Jimco, Oktober 07, 2016 (HOL)-Haweenka Soomaaliyeed ayaa mar kale difaacay kootada dumarka loo qoondeeyay ee ah boqolkiiba soddon.

Waxay ku baaqeen hoggaamiyeyaasha dumarka Soomaaliyeed in la joojiyo siyaasadeynta boqolkiiba soddonka dumarka loo meel dhigay.

Waxay ku eedeeyeen mucaaradka kasoo horjeeda kootadooda inay siyaasad u isticmaalayaan inay u diidaan xaqooda. Waxayse sheegeen in kootadoodu taageero ka heshay ummada Soomaaliyeed iyo beesha caalamka intaba.

Haweeneyda guddoomiyaha ka ah Ururka Haweenka Qaranka Soomaaliyeed, Batuula Axmed Gabale ayaa sheegtay in dumarku bulshada ka tirsan yihiin xaqna u leeyihiin inay shaqooyin helaan.

Waxay kaloo sheegtay in ay xaq u leeyihiin inay ka qeyb qaataan siyaasada dalka.

Waxay guddiga soo xulaya xubnaha labada aqal ugu baaqday in dumarka la tix galiyo doorashada soo socota.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]