4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
AL-SHABAAB: Weerarkii Mandheera Waxaanu ku beegsanaynay Dad aan Musliimiin ahayn


Khamiis, Oktoobar 06, 2016 (HOL) — Al-shabaab, ayaa sheegtay inay ka ahayd mas’uul weerarkii ay ku dhinteen lixda qof ee ee Degmada Mandera ee Woqooyi-bari dalka Kenya laga geystay xalay.

Saraakiisha Amniga Kenya, ayaa horay u sheegaya in dabley looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay xalay weerar ku qaadeen guri ay deggen yihiin dad kasoo jeeda gobollada kale ee Kenya oo aan Soomaali ahayn.

Guddoomiyaha Degmada Mandheera, Cali Roba ayaa warbaahinta u sheegay inay hubaan in Al-shabaab ay ka dambeysay weerarkaas khasaaraha badan gaystay. Isagoo intaas ku daray in dad kale oo guriga la weeraray deggenaa la badbaadiyay, kaddib markii laamaha amniga Kenya ay u soo gurmadeen.

Dhanka kale, Saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo iyaguna la Hadlay Warbaahinta ku hadasha Afkooda ayaa sheegay in weerarkan uu ahaa mid qorsheysan, ayna ku beegsanayeen xubno aan muslim ahayn oo ku sugnaa Mandheera.

Waxay saraakiisha Al-shabaab u hadlay intaas ku dareen in xoogaggooda weerarka fuliyay ay qarax la beegsadeen ciidan ka tirsan Kenya oo u soo gurmaday Dadka ay ku Weerareen degmada Mandheera ee Gobolka Waqooyi-Bari ee dalka Kenya.

Al-shabaab ma aysan sheegin khasaaraha Xoogagoodii Weerarka fuliyay soo gaaray, sidoo kalena Saraakiisha Dalka Kenya ayaan dhankooda sheegin khasaare loo geystay Xoogaggii Al-shabaab ee weerarkan ka dambeeyay.

Xarakada Al-shabaab, ayaa dhawr jeer oo hore weerarro noocaan oo kale ah khasaare fara bandanna geystay ku qaaday degmada Mandheera iyo deegaanno ku dhaw, tan iyo markii Xukuumadda Kenya ay ciidamadeeda u soo dirtay gudaha Soomaaliya Sannadkii 2011-kii.

Ugu dambeyn, Al-shabaab waxay 28 qof oo u badnaa Macallimiin Gobollada Kenya kasoo jeeda ku dishay Weerar ay sannad ka hor ku beegsatay Bas u socday Magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya