4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Sawirro: Akadeemiyo-goboleedka Af Soomaaliga oo Gabdhaha Suxufiyiinta ah u Qabatay Tababar

Khamiis, Oktoobar 06, 2016 (HOL) — Tababbar ku saabsan turxaan-bixinta iyo tayeynta Afka Soomaaliga loo Adeegsado Warbaahinta, ayna soo Qaban-qaabisay Akadeemiyo-goboleedka Af-Soomaaliga oo Kaashanaya Ururuka Haweenka Gobolka Banaadir, ayaa maanta lagu qabtay Xarunta Maamulka Gobolka Banaadir ee Magaalada Muqdisho.

Munaasabaddii Furitaanka Tababbarkaan, ayaa Waxaa ka qayb galay mas'uuliyiin ka kala socday Dawladda federaalka, maamulka gobolka Banaadir iyo masuuliyiinta Akadeemiyo-goboleedka Af-Soomaaliga, in ka badan 50-xubnood oo ka kala yimid qaybaha kala duwan ee Warbaahinta iyo Ururada Saxafiyiinta gabdhaha oo ahaa kuwa tababbarka qaadanayey.

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir, isla markaana ah Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale oo si rasmi ah u furay tababarkaasi ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay oo uu soo dhawenayo qabashada saminaarkaasi, wuxuuna xusay in Suxufiyiinta looga bahaan yahay inay horumarinta iyo illaainta Af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa kaalin ka qaadan lahaayeen, isagoo u mahad-celiyay Akadeemiye-goboleedka Af-Soomaaliga iyo hoggaankeeda oo uu ku tilmaamay inay u guntadeen daryeelka iyo horumarinta Afka hooyo.

Gudoomiyaha Akadeemiye-Goboleedka AfSoomaaliga Prof. Maxamed Daahir Afrax oo khudbad qiima badan halkaasi ka soo jeediyay ayaa sheegay in tababarka tayaynta adeegsiga af Soomaaliga uu qeyb ka yahay saminaaro baahsan oo Akadeeimiyadu u qorsheysay kor u qaadida af-Soomaaliga iyo hal-abuurkiisa, wuxuuna hoosta ka xariiqay inuu qaybaha kala duwan ee Warabaahinta uu ku guubaabinayo sidii ay u adeegsan lahaayeen af-Soomaali sax ah.

“Warbaahinta, Maamulka xafiisyada iyo Macalimiinta ayaa laf-dhabar u ah noolaynta iyo xoojinta afkeena, dhinac walba oo qeybahaasi ka mid ah iyo guud ahaan ummadda oo dhan waxaa waajib ka saaran yahay daryeelka Af-Soomaaliga” ayuu yiri Prof. Afrax oo intaasi raaciyay in af-Soomaaligu uu yahay af isku filan oo hodon ah una baahnayn in lagu dhex qaso erayo afaf kale ah.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka maamulka gobolka Banaadir ee Arimaha Bulshada Iimaan Nuur Iikar, Xogahay Guud ee G/Banaadir Maxamed Sheikh Amiin, Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Banaadir, Jawaahir Maxamed Baarqab, Guddoomiyaha dhallinyarada Gobolka, C/kaafi Maxamuud Makaraan, Xogahayaha Guud ee NUSOJ, Max'ed Ibraahim Macalimuu iyo Agaasimaha Warbaahinta Gobolka Banaadir C/fitaax Maxamed Siyaad oo iyaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku nuux nuuxsaday inay soo dhaweynayaan suurta galinta tababarada noocaan oo kale ah, waxayna kula dar-daarmeen ka qeyb galayaashu in aqoonta la siiyo ay ka muuqato xirfadooda Saxafanimo.

Casharada Tababarka oo aad loola dhacey, ayaa waxaa bixinayay, Prof. Maxamed Daahir Afrax iyo Prof. Mustafa C/llaahi Feyruus, kuwaas oo si xiiso badan Goobta uga jeediyay macluumaad aad loo jecleystay oo ku saabsanaa tayaynta qalad-bixinta Adeegsiga Afka Soomaaliga, Intaa ka dibna waxaa ka-qaybgalayaasha fursad loo siiyey su’aalo iyo fikrad-soo-jeedin, taasoo ay si fiican uga qayb qaateen, Qaar ka mid ah ka qeyb galayaashii saminaarkaasi ayaa codsadey in la joogteeyo tababaradaan oo kale, iyagoo balan qaadey aqoonta ay qaateeen inay gaarsiin doonaan walaalhooda kale ee fusadaan aan helin, gabagabadii saminaarkaasi waxaa la isku raacay in ruux walba uu istaago illaanta afka Soomaaliga.

Ugu dambeyn, Dhawr Toddobaad ka hor ayay Akadeemiyadu tababar ku aadan Daryeelka Af-Soomaaliya iyo doorka hooyada ayay u qabatay haween ka kala socday Degmooyinka Gobolka Banaadir, tababaradaan oo ahaa kuwa is-xig-xiga ayaa Akadeemiyadu waxay iska kaashadeen Ururka Haweenka Gobolka Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya