4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Danjire Michael Keating oo Garowe kula kulmay Madaxweyne Gaas iyo Musharraxiin (SAWIRRO)

Khamiis, Oktoobar 06, 2016 (HOL) — Wafdigan uu Hoggaaminayo Wakiilka Somalia ee QM, Danjire Michael Keating oo Maanta Magaalada Garoowe soo gaaray ayaa kulan gaar ah la qaatay, Madaxweynaha Puntland, Wasiir-ka Haweenka Puntland, Isimo iyo xubno ka mid musharraxiinta u taagan Madaxweynaha Somalia.

Wafdiga danjire Keating oo ay ka mid ahaayeen xubno ka socday Ururka Midowga Afrika, Safiirrada dalalka Saaxiibka la ah Soomaaliya iyo deeq-bixiyaal caalami ah ayaa Arrimaha Doorashooyinka Somalia kala hadlay Madaxweynaha Puntladn, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, taasoo Warbaahintu ay dibad-joog ka ahayd.

Madaweynaha Puntland, C/weli Gaas iyo Danjire Keating oo saxaafadda la hadlay markii ay kulankoodii gaarka ahaa soo gabo-gabeeyern ayaa sheegay  inay diiradda isla saareen sidii Soomaaliya ay uga dhici lahayd doorasho xor iyo xalaal ah, una qabsoonta waqtigii lagu ballamay.

Intaas kadib Wafidga Keating ayaa xarunta cilmi-baarista Puntland ee PDRC kulan kula qaatay xubno Haween oo ay hogaaminaysay wasiirka Haweenka Puntland, Anisa C/qaadir Xaaji Muumin, kuwaasoo u baratamaya inay ka mid noqdaan aqalka hoose ee baarlamanka Soomaaliya.

Danjire Keating ayaa Haweenka uu kalanka la qaatay u sheegay in sanadkan ay helayaan qoodadii horay Madashii Somalia loogu wada-heshiiyay, isagoo si gaar ugu mahad-celiyay Wasiirrada Haweenka Puntland oo sheegay inay Dadaallo ugu jirto sidii Beesha Caalamka iyo Siyaasinta Somalia ay uga dhaadhicin lahayd Qoonada Haweenka Soomaaliya.

Sidoo kale Wafdiga Keating, ayaa kulan ay warbaahinta dibad-joog ka ahayd la qaatay Madaxweynihii hore ee Puntland, C/raxmaan Faroole iyo Wasiirkii hore ee Warbarashada Puntland, kuwaasoo ka mid ah Musharaxiinta xilligan u tartamaya Madaxtimada Somalia.

Kulankaasoo markuu soo dhaamaday ay C/rixmaan Faroole iyo Cali Xaaji u sheegeen Warbaahinta in Keating u gudbiyeen cabasho la xiriirta ammaanka doorashada, dhaqaalaha iyo dib u dib dhacyada ku yimid Aqalka Sare.

Dhinaca kale, Cali Xaaji Warsame iyo C/raxmaan Faroole ayaa ku dhaliilay Beesha Caalamka inay qayb ka yihiin dib u dhacyada Doorashooyinka dalka ee dhawrka jeer soo laabtay, taasoo ugu dambeyn go’aan lagu gaaray inay Muqdisho ka dhacdo 30--11-2016-ka.

Ugu dambeyn, Danjiraha QM ee Soomaaliya ayaa la kulmay qaar ka mid ah odayaasha-dhaqanka, isagoo uga warbxiyay doorka ay doorashada Somalia ku leeyihiin iyo sida looga doonayo inay uga soo dhalaalaan Shaqadooda. waxaana intaas kaddib ay odayaasha dhaqanka u sheegeen Keating inay Beesha Caalamka ay doorashada adkeysay, isla markaana ay Haweenka Soomaaliyeed marin-habaabiyeen.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya