4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Kumannaan Qof oo Salaad Roobdoon ahayd ku Tukaday Gobolka Sool


Khamiis, Oktoobar 06, 2016 (HOL) — Waxaa si wayn  maanta isgu soo baxay kumanaan dad ah garoonka salaadaha lagu tukado ee Masalaha si ay EEBE uga baryaan raxmaadkiisa ugana gargaaro abaarta ba'an ee haysa dadka, salaadan roobdoontaa ayaa la iclaamiyay dhaw cisho kahor oo ay soo bandhigeen culimada gobolka.

Salaadan Roob-doonta ah ayaa  ah mid aad u balaaran taasoo muujinaysa abaarta Taabatay gebi ahaan bulshada miyi iyo magaalaba ee deegaanadan haysata, iyadoo ay mudooyinkii u danbeeyay aysan roobabku u maanshayn si haqabtir ah.

 Qaar ka mid ah culimada gobolka Sool oo halkaasi ka hadlay ayaa waxay si aad ah ugu dheeraadeen masiibooyinka abaaraha keena in ay dadku badan-kooda keensadaan ciqaabna looga dhigo abaar iyo colaad.

"Naxariista Rabbi si aan u helo waa in aan isu naxariisanaa oo aan eegnaa dhibaatadda haysata dadka, waa in gurmad loo fidiyaa meelaha ugu liita ee dhibtu ka jirto, waxaa hubaal ah in Naxariista Alle aan helayno isla markaana aynu muujinaa ALLE ka cabsi dhab ah," ayuu yidhi Sheekh Maxamuud Xaliike oo mudo dheer wacdi u  jeediyey  bulshowaynta isutimi.

Goobta dadku isugu soo bexeen oo ahaan jirtey meel aad u kulul ayna adagtahay in dadku waqti maalinima ah isugu yimaadaan hase ahaatee ma aysan ka baajin taasi oo si wayn u sifaynahysa baahida haatan loo qabo raxmaadka RABI oo ka dibdhacay xiliyadii lagu aqoon jiray.

Hoglo dhawr ah oo aan sidaasi u sii badnayn ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku tiixay qaybo ka mid ah deeganadan  hase ahaatee maysan ahayn kuwo ku filaaday baahida abaareed ee dadka iyo dalkaba haysa taasi oo sababtay isusuubaxan bulsheed ee maata si wayn laga dareemayo magaalada Laascaanood oo guud ahaanba la fasaxay goobihii waxbarasho.

Seynab Cabdi Wasame
[email protected]  
Laascaanood G. Sool