4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Duufaanta Mathews oo kusoo wajahan qeybo Mareykanka ka tirsan

Khamiis, Oktober 06, 2016 (HOL)-Duufaanta ba'an ee wax burburisa ee loo yaqaano Mathews ayaa kusoo wajahan qeybo Mareykanka ka tirsan.

Duufaantaa ayaa kusoo wajahan qeybo ka tirsan gobolada Florida iyo South Crolina. Maanta ayaa la filayaa inay ku dhufato goboladaa.

Haatan oo aanu warbixintaan qoreyno ayaa waxaa ka socda goobahaas daad gureynta dadka si looga badbaadsho duufaanta oo geysan karta khasaare ba'an.

Madaxweynaha Mareykanka Barrack Obama ayaa ka digay in duufaantaasi xoog sii yeelan kadho ka hor inta aysan goboladaa ku dhufan.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]