4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Nabaddoon caan ahaa oo lagu dilay Baardheere

 

 

Khamiis, Oktober 06, 2016 (HOL)-Waxaa xalay dabley hubeysan ku dishay nabaddoon caan ahaa magaalada Baardheere ee koofurta Soomaaliya.

Nabaddoonka oo lagu magacaabi jiray, Ibraahim Qorrax ayaa ka mid ahaa odayaal dhaqameedka magaaladaa.

Wuxuu ka yimid masaajid uu salaadii Cishe kusoo tukaday wuxuuna ku sii jeeday gurigiisa markii rag aan haybtooda la garan oo ku hubeysnaa bastoolado ay toogasho ku dileen.

Caddow Nuur Xassan waa guddoomiyaha Baardheere. Wuxuu Caddow Nuur Xassan warbaahinta u sheegay in uu marxuumku af gaabnaa dantiisa iyo danta dadka una uu in badan isku hawlin jiray cid wax khilaaf ah ay ka dhexeeyeena aysan jirin.

Wuxuu ku daray in degmada Baardheere aad looga yaqaanay iyo gobolka Gedo guud ahaan.

Wuxuu sheegay in wax abaabul ah oo hawlo gaar ah ku saabsan oo uu waday inaysan jirin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]