4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Kulan deg-deg ah oo ku saabsan abaaraha oo ka dhacay madaxtooyada Puntland

Khamiis, Oktober 06, 2016 (HOL)-Madaxtooyada Puntland  ayaa waxaa isugu yimid dhammaan hay’adaha kala duwan ee caalamiga ah iyo kuwa maxaliga ah ee ka hawl gala Puntland.


Kulankaas ayaa ku saabsanaa abaaraha saamaynta ba'an ku haya qeybo badan oo ka tirsan Puntland.


Hay’ada dowliga ah ee Puntland u qaabilsan ka hortagga musiibooyinka iyo maarayntooda ayaa sidoo kale kasoo qeyb gashay shirkaa. Waxaa kulankaa sidoo kale kasoo qeyb galay madaxweyne C/Wali Maxamed Cali Gaas iyo madaxweyne ku-xigeenka.


Ujeedada kulanka dag daga ah ayaa ahaa in qorshe cad laga sii yeesho dowlada iyo hay’adahaba abaaraha iyo biyo la’aanta laga soo sheegayo qaybo ka mid ah deegaanada Puntland iyadoona madaxwayne Gaas si rasmi ah ugu dhawaaqay in Puntland ay ka jiraan abaaro soo food saaray iyo biyo yaraan u baahan gurmad dag dag ah.

 

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay in loo baahan yahay in loo wada diyaar garoobo ka hortagida khatarta soo food leh wuxuuna beesha caalamka ka codsaday inay gurmad la soo gaadho dadka tabaalaysan inta aysan xaaladu ka sii fogaan maanta meesha ay taagan tahay.

Kulankan oo ay hay’adaha caalamiga ah iyo dowladuba u dhammaayeen ayaa laysla gartay in jawaab dag dag ah laga wada bixiyo arintaa.

Maalmo ka hor waxaa ka dhacay guud ahaanba deegaanada Puntland roobdoon guud oo Alle bari ahaa si rabbi kulaylka uga dul qaado bulshada tabalaysan.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]