4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Mareykanka: Booliska St. Cloud oo bixiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii mindida

 

Khamiis, Oktober 06, 2016 (HOL)-Saraakiisha booliska ee St. Cloud MN Mareykanka ayaa bixiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan weerarkii mindida ee suuqa laga dukaameysto ka dhacay.

Weerarkaa ayaa waxaa geystay nin Soomaali Mareykan ahaa kaasoo nin boolis ah uu toogasho ku dilay 17kii bishii lasoo dhaafay. Haatan ayaa waxaa sidoo kale arinkaa baaritaan lagu sameeyay inay ka hadlaan isku dayaya hayadaha dawliga ah.

Dhowr iyo toban qof ayaa weerarkaa ku dhaawacmay. Duqa magaalada St. Cloud Dave Kleis, taliyaha booliska ee magaaladaa Blair Anderson iyo masuuliyiin kale ayaa ka hadli doona arinkaa iyo baaritaan lagu sameeyay abbaare 10:30 subaxnimo.

Ninka Soomaaliga ahaa oo la oran jiray Daahir Aadan ayaa kasoo qaxay Soomaaliya.

Weerarkaa markii uu dhacay wax yar kadib ayaa jabhada Daacish ay sheegatay in ayadu ay ka dambeysay weerarkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]