4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Oct 6 , 2016
Weerar lix qof lagu dilay oo ka dhacay Mandheera

 

Khamiis, Oktober 06, 2016 (HOL)-Lix qof ayaa lagu dilay xalay xaafada Buulo Public ee magaalada Mandheera, Waqooyi-bari Kenya.

Dadkaa ayaa waxaa dilay dabley loo maleeyay inay ka tirsan tahay xarakada Al-Shabaab. 27 qof oo kale ayaa lasoo badbaadshay.

Sidaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay gobernatooraha Mandheera Cali Roba. Weerarka ayaa dhacay abbaare  2:45 xalay.

"Lix qof oo ka tirsanaa 33 qof oo aan maxaliyiin ahayn ayaa la dilay 27 ayaana lasoo badbaadiyay oo saraakiisha ammaanku soo badbaadiyeen," Mr Roba ayaa sidaa sheegay.

Qarax ayaa dhacay mar boolisku isku dayayeen inay galaan guri lagu dilay dadkaa si ay usoo saaraan meydadka.

 

Saqafka guriga ayuu burburiyay qaraxu laakiin dad kuma dhaawacmin.

 

Kenya ayaa waxaa weeraro ku heysay xarakada Al-Shabaab laga soo bilaabo 2011 markii ciidamda Kenya ay galeen Soomaaliya.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Nairobi Kenya
[email protected]