4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Raisul wasaarihii hore ee Portugal oo laga yaabo inuu noqdo xog-hayaha guud ee QM

Arbaco, Oktober 05, 2016 (HOL)-Raisul wasaarihii hore ee Portugal, António Guterres ayaa lagu wadaa inuu noqdo xog-hayaha guud ee QM ee xiga.

Maantay Arbacadii ayaa waxaa la qaaday cod bixin golaha ammaanka gudihiisa asagoo dad kale oo uu kula loolamayay meeqaamkaa uu ka cadcadaa. Asagaa ayaa ugu horeeyay.

Safiirka Ruushka, Vitaly Churkin iyo 14 xubnood oo kale ayaa soo baxay si ay u shaaciyaan in Mr. Guterres uu ahaa "murashax sida cad dadka badankii jecleysteen".

Churkin ayaa shaaca ka qaaday in codeynta rasmiga ah ee golehaasi qaadi doono ay dhici doonto Khamiista beri ah.

Hadii beri codka kama dambeysta ah loo qaado ayaa Guterres wuxuu noqonayaa xog-hayaha guud ee QM ee baddalaya Ban Ki Moon.

Cod bixintii maanta ayaa dalalka codadka fiitoga (veto) leh ee Ingiriiska, Faransiiska, Ruushka iyo Mareykanka iyo weliba Shiinuhu waxay isticmaaleen warqado codeyn oo midabo leh gaar ahaan midabka casuur xigeenka ah ee pink-iga markii ugu horeysay.

Guterres ayaa 10 sano ahaa guddoomiyaha UNHCR. Wuxuu helay 13 cod oo 'haa' ah asagoo 4 ka mid ah ka helay shan dal oo codka fiito leh halka labo 'maya' ah oo halkood uu dhiibtay dal fiito asna leh uu helay. 

Intii uu UNHCR madaxa u ahaa wuxuu kasoo shaqeeyay dalal badan oo dalka Soomaaliya kujiro.

Guterres wuxuu sidoo kale booqday xeryaha Dhadhaab ee Kenya ee qaxootiga Soomaalida ahi ku nool yihiin.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]