4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
AKHRISO: Guddiga Doorashooyinka Dadban oo ka Warbixiyay soo Xulista Xubnaha Aqalka Sare

Arbaco, Oktoobar 05, 2016 (HOL) — Guddiga Hir-gelinta Doorashooyinka Dadba ee Heer Federaalka, ayaa maanta ka Warbixin dib u dhac ku yimid maanta soo gudbinta magacyada xubnaha ka mid noqonaya Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somalia oo ay ahayd in manta ay soo gudbiyaan maamul-goboleedyada dalka.

Sidoo kale, Waxaa jira xubno ka tirsan guddiga Doorashada dadban oo loo diray horraantii bishan deegaannada maamul-goboleedyada waddanka ka jira, si ay u Dar-dar-geliyaan soo Xulista Xildhibaabnada, kuwaasoo weli ku sugan goobahaas.

AKHRISO; War-saxaafadeedka uu soo Saaray Guddiga Doorashooyinka Dadban;

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya