4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Isbahaysigii Garabka Xisbiga Kulmiye oo maanta ku dhawaaqay inay ku biireen Xisbiga Waddani


Arbaco, Oktoobar 05, 2016 (HOL) — Isbahaysiga Dimuqraadi doonka xisbiga KULMIYE ee ka biyo-diiday Shir-weynihii Xisbiga KULMIYE ee lagu doortay Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta shaaciyey inay si rasmiya ugu biireen xisbiga mucaaradka ah ee WADANI.

Isbahaysiga Garabka KULMIYE oo ay u badan yihiin Wasiirradii Xukuumadda Siilaanyo iska casilay oo ay hor socdaan wasiirkii hore ee Madaxtooyada Xirsi Xaaji Cali, wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi, Wasiirkii hore ee Cadaalada Xuseen Caydiid iyo masuuliyiin kale oo ka mid ahaa siyaasiyiintii ay isku aragtidda ahaayeen wasiiradan.

Wasiirkii hore ee Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid oo u hadlayey isbahaysigan ku biiray Wadani ayaa sheegay in maanta laga bilaabo kamid noqdeen xisbiga WADANI, inkastoo aanay sheegin qodobadda ay ku heshiiyeen iyo waxay kala qorteen..

“Waxaa maanta lasoo gaaray wakhtigii aanu heshiish rasmiya kala saxeexan lahayn anagoo ah isbahaysiga dimuqraadiyad doonka xisbiga kulmiye iyo xisbiga Wadani, heshiishkan wuxuu mucdiisu ahayd in garabkaasi uu la midoobo xisbiga WADANI,  dhamaan xubnihii aan kaga wakiilka ahayn wada hadaladda iyo taageerayaashoodii iyo umadda Somaliland ogaysiinaynaa in laga bilaabo xiligan  hadda ah in isbahaysiga KULMIYE la midoobay xisbiga wadani, oo uu yahy garab ka tirsan wadani. Xafladda munaasibadan rasmi ah oo lagu kala saxeexanayo waxa la qaban doona maalmaha soo socda, laga bilaamana ma nihin KJLMIYE”ayuu yidhi Xuseen Caydiid oo ku hadlayey magaca siyaasiyiinta ku biiray xisbiga WADANI.

Xoghayaha Warfaafinta Xisbiga WADANI C/rashiid Xasan Mataan ayaa soo dhoweeyey garabkan ku soo biiray, isla markaana sheegay inay guul u tahay Xisbiga WADANI inay siyaasiyiin cul culusi ku soo biiraan xisbiga WADANI.

“Waxaa maanta nagu soo biiray Oo la gaadhay gunaanadkii wada hadaladda isbahaysiga xisbiga kulmiye la gaadhay gunaadkii hada hadalkii isbahaysiga  kulmiye iyo xisbiga WADANI, waxaanu gaadhnay guusha ah is afgarad lagu soogabo gabayn doona madal qurux badan oo la iskugu iman doono, waana guul usoo hoyatay  xisbiga wadani waa guul usoo hoyotay shacabka Somaliland ee jecel is bedel doodnka oo in badan oo mudakar ahi ka hadli doonaan oo aanu u qaban doonnaa siyaasiyiintan miisaanka culus”ayuu yidhi Mataan.

Garabkan kulmiye ka soo cadhooday ayaa mudooyinkan dambe wada hadal ay jilbaha is dhigeen la galeen xisbiga WADANI, isla markaana ka wada hadlayey xilalka ay xisbiga WADANI ay doonayaan inay ka qabtaan, waxaanay wararka qaarkood  sheegayaan in isbahaysigan KULMIYE doonayaan in gudoomiyaha iyo xoghayaha guud ee xisbiga doonayaan in laga dhigo, isla markaana guddida fulinta qayb muhiim ah laga siiyo.

Hase yeeshee iillaa hadda ma kala cadda waxay ku heshiiyeen iyo waxay isla afgarteen, inkastoo xisbiga Wadani laftiisa aanay jirin cid la tartamaysa gudoomiyaha xisbiga C/raxmaan Maxamed Cabdilaahi CIrro, halka musharaxa madaxweyne ku xigeenka ay ku loolamayaan ilaa lix qof oo shaaciyey, taasina waxay cadaynaysaa in ay kooto ugu xidhan tahay musharaxa madaxweynaha xisbiga WADANI in C/raxmaan CIrro oo kaligii iska sharaxayo, inta badana xisbiyadda Somaliland waxa caado ka noqotay in gudoomiyaha xisbiga aanu qof kale loolan musharax la galin sida xisbiga kulmiye ka dhacday ee siyaasiyiintan hadda WADANI ku biiray uga cadhoodeen kootadda Muuse Biixi loogu xidhay xisbiga in cid kale iska garab sharaxdo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland