4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Sawiro: Dastuurka Hir-Shabeelle oo la Ansixiyay iyo xilliga doorashada Hogaanka oo la shaaciyay


Arbaco, Oktoobar 05, 2016 (HOL) — Ergada Maamulka loo dhisayo gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, ayaa maanta Ansixisay Dastuurka uu maamulka yeelanayo, sidoo kale waxaa la shaaciyay xilliga ay dhici doonto doorashada madaxweynaha maamulkaas.

Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle uu yeelanayo - ayaa waxaa lagu Ansixiyay cod gacan-taag ah, iyadoo 202 xubnood oo ku sugnaa Hoolka Shirarka ay 186 ka mid ah Ogolaadeen, halka ay ka maamustay 10-ergay, halka lix xubnood ay diideen.

Ansixinta Dastuurka kaddib, waxaa goobta ka hadlay mas’uuliyiin ka socotay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, waxayna sheegeen in la soo dhameystiri doono dhismaha maamulka ay ku midoobayaan Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Sidoo kale, Wakiilka Urur-goboleedka IGAD ee Shirka Dhismaha Maamulka Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, Jamaal Xaaji Axmed oo isagana goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in ay marqaati ka yihiin go’aanka ergadu ay Dastuurka mamaulka ku Ansixiyeen, Wuxuuna xusay in IGAD iyo Beesha Caalamka ay tallaabadan soo soo dhaweynayso.

“Waxaan marqaati ka ahay inaad maanta si buuxdo u Meel-mariseen Dastuurka maamul-goboleedka Hir-Shabeele, Caalamkana waan ogeysiiyay, Anigoo ku hadlaya Afka IGAD iyo kan Beesha Caalamka Waxaan soo dhaweynaynaa go’aanka ergada ay ku ansixiyeen dastuurka, Dowlad waa Dastuur, maanta haddii Dastuurka la Ansixyay Waxay ka dhigan tahay Dowladii la dhisay wixii harayna waa la Dhameystirayaa, Maamulkana si buuxda ayaanu taageeraynaa maamulka,”  ayuu ku yiri hadalkiisa Jamaal Xaaji.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow oo goob-joog u ahaa Ansixinta Dastuurka ayaa isagana yiri. “Waxaan ku faraxsan nahay inaan Goob-joog u ahayn in  Dastuurkii maamulka la Meel-mariyay. Waxaana Beesha Caalamka leeyahay Maamulkan iyo Dadkiisa taageeradii loogu talo-galay waa in la siiyo. Mamul-goboleedyada, Waxaan leeyahay soo dhaweeya maamulkan, isla markaana taageera, Maanta haddii Dastuurkii la meel-mariyay wuu dhismay maamul-goboleedka Hiraan iyo Shabeellada Dhexe, wuxuuna u baahan yahay taageero.”

Dhanka kale, Waxaa isla maanta lagu dhawaaqay xilliga ay qabsoomi doonto doorashada madaxweynaha maamulka labadaan Gobol iyo ku xigeennadiisa, iyadoo la sheegay inay doorashadiisu dhacayso 15-ka bishan Oktoobar oo ay naga xigaan dhawr casho.

Khamiista berri ah ayaa lagu wada in la qabto munaasabad lagu soo dhaweynayo Ansixinta Dastuurka Maamulka Hir-Shabeelle, Waxaana Toddobaadka soo Socda billaabaya Xulista barlamaanka labada gobol.

Ugu dambeyn, Waxaa kaloo la Ansixinta Dastuurka iyo Calanka Maamulka iyo weliba ku dhawaaqista xilliga Doorashada Madaxnimada ayaa waxay imaanaysaa xilli qaar ka mid ah duubabka dhaqanka Gobolka Hiiraan ay kasoo horjeedaan dhismaha Maamulkaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya