4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Madfac ku habsaday guri oo laayay dhowr qof oo isla hal qoys ah

 

Arbaco, Oktober 05, 2016 (HOL)-Madfac ayaa xalay ku habsaday guri halkaa oo uu ku dilay dhowr qof oo isla hal qoys ah gobolka Shabeelaha Hoose.


Madfacaa ayaa waxaa la sheegay inay tuureen ciidamo ka tirsan AMISOM. Masuul ka tirsan maamulka gobolkaasi Shabeelaha Hoose ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in madfacaasi dilay lix qof oo afar ay carruur ahaayeen.

 

Guriga ayaa waxaa ku sugnaa siddeed qof ayadoo haatan lixda dhimatay maahee labadii kalena ay dhaawac yihiin.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]