4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya oo ka qeybgalaya shirka arimaha hawada ee dunida

 

Arbaco, Oktober 05, 2016 (HOL)-Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa ka qeyb galaya shir looga hadlayo arrimaha hawada aduunka.

 

Shirkaa ayaa ka socda magaalada Montreal ee dalka Canada. Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sheegay inay dhowdahay in gebi ahaanba maamulka hawada Soomaaliya gacanta uu usoo galo dawlada federaalka ah ee Soomaaliya.

Montreal waxaa xarun ay u tahay hayad qaabilisan arinkaa oo ka tirsan hayadaha QM. Shirkaa ayaa sanadle ah waxaana ka soo qeyb gala mas'uuliyiin ka socda dhammaan dalalka xubnaha ka ah ururkaa.


Safiirka Soomaaliya ee dalka Kenya, Jamaal Maxamed Xasan ayaa sidoo kale sheegay in qorshaha uu halkaa u tagay isaga iyo mas'uuliyiin kale ay tahay in lala xaajoodo hayadaa si intii ugu dambeysay ee wareejinta maamulka hawada Soomaaliya loogala xaajoodo si loogu wada wareejiyo maamulkeeda dawlada Soomaaliya.

 

Wuxuu sheegay in horay loo geeyay Soomaaliya qaar badan oo ah qalabkii loogu tala galay maamulka hawada ee Soomaaliya haatana soo wada wareejinta un ay doonayaan inay kala hadlaan hayadaasi fadhigeedu yahay magaalada Montreal ee dalka Canada.


Wuxuu sheegay safiirku in marka qalabka la rakibo oo hannaanka soo wareejinta inta ka dhimmana la idleeyo Muqdisho laga maamuli doona hawada Soomaaliya.

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]