4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Oct 5 , 2016
Magaca iyo calanka uu yeelanayo maamulka SH/DHEXE iyo HIIRAAN oo la shaaciyay "sawirro"

Arbaco, Oktober 05, 2016 (HOL)-Kulan ay ku  yeesheen  Jowhar ergada shirka mamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe ayaa Wasaarada Arimaha Gudaha waxay ku soo bandhigtay magacyo ku dhow 30 magac  iyo noocyo calamo kala duwan ah oo gaarayay ilaa boqolaal.

Codeyntii magacyada ayaa bilaabatay waxaana shirka daadihinayay xoghayaha joogtada ah ee wasaarada arrimaha gudaha Pro Yaxye Cali Ibraahim ilaa 11 magac  oo laga soo xulay magacyo ay bulshada Soomaaliyeed soo direen sida wasaaradda arrimaha gudaha ay sheegtay ayay u codeeyeen ergada kuwaas oo isku raacay magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Sh/dhexe inuu noqdo HIRSHABEELLE State.

Mar kale ayaa loo dhaqaaqay in ergadu u codeeyaan Calanka maamulka HirShabeelllle Wasaarada Arimaha Gudaha ayaa soo bandhigtay ilaa boqolaal Calan oo kala duwan laakiin dood dheer iyo kan kan ayaa ka fiican waxa ay Ergadda Shirka isku Raaceen Calanka maamulka oo sifeynaya Calaamada Qaranka, Barwaaqada labada gobol ee wabiga iyo beeraha caanka ay ku yihiin.

Xoghayaha Joogtada ah ee wasaarada arimaha gudaha iyo federaalka Prof Yaxye Cali Ibraahim ayaa tilmaamay in go’aanka ergadu uu yahay guul u soo hoyatay dhamaan Soomaaliya ayna asteeyeen magaca iyo calanka maamulka oo aas aas u ah dowlad goboleedka.

Shirka maamul u sameynta labada gobol oo gabagaba joogo ayaa todobaadka Soo aadan waxa la gali doonaa xulista xildhibaanada Barlamaanka labada gobol ee dooranaya Gudoonka Baarlamaanka, Madaxweynaha iyo Madaxweyne ku xigeenka Dowlad goboleedka.

Ansixinta Magaca dowlad goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe iyo calanka uu yeelanayo ayaa ku soo aadayo iyadoo weli ay diidanyihiin duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan Qaarkood oo uu ugu horeeyo Ugaas Xasan Ugaas Khaliif Shirka Jowhar ka socda,waxaana lagu wadaa sida Wasaaradda arimaha gudaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sheegtay dhismaha maamulkani in lagu soo gaba gabeeyo bartamaha bishan.

Mustafa Hussein
Hiiraan Online
[email protected]