4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
SAWIRRO: Wajigii Saddexaad Tababar u Socday dhalinyarta G/Hiiraan oo ka furmay Baladweyne

Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Wajigii saddexaad tababar ay ka Qayb-qaadanayaan dhallinyaro ka kala yimid degmooyinka gobolka Hiiraan, ayaa maanta ka furmay Degmada Beledweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Duqa Beledweyne, Cumar Aadan Deeqoow, iyo Mas'uuliyiin kale oo ka tirsan Maamulka heer degmo, ayaa ka qeyb-galay furitaanka wajiga sadexaad ee tababarka oo dhalinyarradu ku baranayaan sida looga shaqeeyo ama uga qeyb-qaadan karaan horumarinta deegaanka.

Dr. Asad C/llaahi Axmed oo ka mid ahaa macallimtii casharrada ka bixinayay Tababarkan maana furmay, ayaa ku booriyay dhalinyarada in ay ka faa'ideystaan tababarada noocan oo kale ah oo sidda uu hadalka u dhigay sare u qaadeya aqoontooda.

Guddoomiyaha ururka SUFIS, Abuukar Caato oo gacan ka geysanaya fulinta tababaran oo goobta ka hadlay, ayaa sheegay in dhinacooda ku faraxsan yihiin in dhalinyarro inta la ego markii ugu horeysay loo qabto tababar noocan oo kale ah, isaga oo dhinaca kala amaanay doorka ururka dhalinyarada ee gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, Maxamed C/llaahi Buraale oo ah Guddoomiyaha ururka dhallinyarada Gobolka Hiiraan, ayaa wuxuu isagana uga mahad-celiyay ururka SUFIS, iskaashiga ay arrintan ka yeellanayaan, isaga oo intaa ku darray in wajigan saddexaad ee tababarka uu noqonayo mid wax badan ka faa'iideysan doonaan dhalinyarada.

Ugu dameyn, guud ahaan mas'uuliyiintii maamulka heer degmo ee ka hadlay goobta ayaa ku dhiiri-galiyay dhalinyarrada in ay aqoontooda uga faa'ideeyaan bulshada inteeda kale, ee aan fursada u helin tababarada noocan oo kale ah.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya