4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Xarunta Maamulka loo Dhisayo Hiiraan iyo Sh. Dhexe oo loo Codeeyay in laga dhigo Deg. Jowhar


Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Ergada ka Qayb-galaya Shirka Maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe, ayaa maanta waxay u codeeyeen inay Xarunta maamulka labadaan gobol laga dhigo Jowhar.

Ergada ku sugan madasha shirka Jowhar, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay dood ka lahaa dastuurka maamulka labada gobol, iyaga oo maanta go'aan ka gaaray qodobka qodob ka mid ah oo dhigaya in ergada u codeeyaan halka ay noqoneyso Caasimadda Maamul gobolleedka.

Inta badan ergadii ku sugneyd madasha shirka, ayaa cod Gacan-taag ah ku ansixiyay inay Jowhar tahay xarunta maamul-goboleedka loo dhisayo Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.

Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh ayaa horay wareegtu uu soo saaray ku sheegay in xarunta maamulka labada gobol tahay degmada Buula-burte ee gobolka HIiraan, waxaana muuqata in codbixintii maanta ee ergada ku sugan Jowhar meesha ka saartay wareegtadii madaxweynaha.

Sidoo kale, Tallaabadan ayaa u muuqda mid sii fogeyn karta murankii siyaasadeed ee markii horeba ka jiray dhismaha maamulka oo ay si weyn uga soo horjeesteen qaar ka mid ah duubabka dhaqanka gobolka Hiiraan oo uu horkacayo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Dad badan ayaa marka dhinac kale laga eego arintan u arki kara isbadal ku dhacay habka awood-qeybsiga maamulka oo markii hore siweyn leysugu maan-dhaafsanaa.

Lama oga sidda go'aanka ergada uu dhaqangal u noqon karo, madaama ay wali taagan tahay Wareegtadii uu soo saaray Madaxweyne Xasan ka hor inta uusan furmin shirka, waxaana muuqata in markii u horreysay ay noqoneyso in ergo ay wax ka badal ku sameeyaan wareegto ku soo baxday heer madaxtooyo.

Ugu danbeyn, Dadka u dhuun-daloola Arrimaha sharciga ayaa qaba in go’aanka ay qaateen ergada ku shirsan Jowhar loo baahnaa in dib loogu dhigo B\aarlamaanka uu yeelanayo maamulka oo ah kan awood sharci u leh in uu wax ka badal ku sameeyo halka ay noqoneyso xarunta maamulka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya