4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Amnesty International oo sheegtay in caawinta qaxootiga caalamka ay noqotay hawl aan si siman loo qeybsan

Talaado, Oktober 04, 2016 (HOL)-Culeyska dhibaatada qaxootiga ayaan si siman loo qeybsan. Warkaa ayaa waxaa uu ka soo baxay hayada xaquuqul insaanka ee Amnesty International.

Amnesty ayaa intaa raacisay in 10 dal oo qura ay hayaan culeyska qaxootiga intiisa ugu badan.

Dalalkaa ayaa ah Urdun, Lebanon,  Turkey, Pakistan, Iran, Chad, Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Congo Kinshasa.

Maadaama badi dalalkaa qaxootiyada badan ay sabool yihiin ayaa qaxooti badan door bidaa inay safaro khatar badan u soo galaan Yurub iyo Australia.

"Carruurtu ma helayaan wax barasho ku filan dadkuna ma helayaan raashin ku filan," sidaa waxaa tiri  Audrey Gaughran, oo ah haweeneyda ah Agaasimaha Amnesty u qaabilsan amuuraha caalamka.

Amnesty  ayaa ugu baaqday ummadaha horumaray inay qaataan caawiyaana qaxooti badan si culeyska loo dhimo.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]