4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Somaliland: Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha Wadatashiga oo dhaliilo u jeediyay Xukuumadda

Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Siyaasiyiinta ku Bahoobay Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta Somaliland, ayaa dhaliil u jeediyay Xukuumadda Somaliland, isla markaana sheegay inay ka gaabiyeen ictiraaf raadintii dalku ka sugayay.

Guddoomiyaha Madasha wadatashiga iyo toosinta Somaliland, Xasan Guure Jaamac ayaa sheegay in labaddii xukuumadeed ee ka horeeyey xukuumadda madaxweyne Siilaanyo dadaal ugu jireen sidii ictiraaf ugu heli lahaayeen Somaliland, haseyeeshee, waxa uu xukuumadda Siilaanyo ku eedeeyey inay ictiraaf raadintii kaga mashquushay arrimo kale.

“Labadii xukumadood ee ka horeeyey marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal iyo xukuumaddii Daahir Rayaale Kaahin labaduba aad iyo aad bay uga badheedheen Somaliland gooni-isu tageeda, sharciga horena Cigaal buu ahaa ninkii qaaday in aan wada hadal ah lala yeelanayn Soomaaliya. Daahir Riyaale wuxu gaadhay in ila shirkeedii common wealth-ka (dalalka barwaaqo sooraanka ah) ka qayb galo, berigi dowladdi Cigaal ayaan ku jirey 93-kii markii dagaalo sookeeye ka socdeen dalka Yemen oo ay isdilayeen koonfurta Caddan oo ay u dagaalamaysey Caddan in ay gooni isugu istaagto. Dowladdii wakhtiga aan ka midka ahaa (Somaliland) waanu ictiraafnay inkasto laga adkaaday, siyaasada ayey ku jirta in ay ka maaranto mararka qarkood. Riyaale (madaxweynihi hore Daahir Riyaale kaahin) wuxu ka qayb galay shirkii commonwealth-ka ah oo ahaa in gooni isu-taaga Somaliland dalka Ingiriiska uu aqoonsado dalalka isbahaysiga ah uu Ingiriiska madaxda ka yahay ee Afrika.”ayuu yidhi Xasan Guure.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin oo ka mid ah guddidan madasha wadatashiga oo isna halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Somaliland waxa weeyaan waa dal jira oo dunida ka mid ah, imika hadayna dowladaha dunidu ina aqoonsanayn in shaa Allah waa tacaala kamana noqon mayno jiritaankiisa uu jiro u yahay dal madax banaan oo siyaadad leh. Sidaasa dadkiisu goostay sidaasna ayaanu ku ilaalinayna walibana hormoodku ka noqonaysaan hadaad dhalinyarada tihiin, %75 wadankiisu dadkiisa lagu ilaaliyo idinku meel kale aqoon iyadoo Hargeysa oo qasrigii madaxtooyada inta idiin jiro ayeydaan hadana ka hadlayn sidii shaqo la idinka siin lahaa iyo sidii loo dareeri lahaa dalkan dhalinyarada loo daryeeli lahaa oo dalkan loo dhisii lahaa”

Sidoo kale, wasiirkiii hore ee Maaliyadda Eng:Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna hay’adaha caalamka ka dalbaday inay dalka ka baxaan, haddii aanay ku shaqaynayn magaca Somaliland, islamarkaana sheegay in aan loo ogolaan inay magaca Soomaaliya ku joogaan Somaliland.

“Hay’aduhu waa inay magaca Somaliland ku jooga ee aanay magaca Soomaaliya ku iman dalka,Hay’adahan dalka jooga waxaan leeyahay naga baxa, caqli xumaantoodu waxay ku leeyihiin kuwaa ciidanku ilaalinayo (Soomaaliya) ku biira macnaheedu waxa weeyi aan idin wada layno yimaada, waxaasi wax soconaysa maaha, maantay inoogu dhowdahay in hay’adaha caalamiga ku nidhaahno naga baxa haddii ay bixi waayana talaabo ku qaadi, madaxdeenuna waa inay arrimahaasi hoos u eegaan oo ayna nagu dirqiiyin Soomaaliya”ayuu yidhi Maxamed Xaashi .

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected] 
Hargeysa, Somaliland