4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Qarax khasaare geystay oo ka dhacay Agagaarka dhismaha SEY BIYAANO ee Magaalada Muqdisho

/images/2016/Feb/201625635902675141237302Qarax_ka_dhacay_Magaalada_Muqdisho_660.jpg
Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Ugu yaraan hal qof ayaa ku geeriyooday, Afar ruux oo kalena way ku dhaawacmeen qarax gaari oo goor-dhaw ka dhacay Agagaarka dhismaha Sey Biyaano oo ku dhaw Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdsho.

Gaarigan qarxay, ayaa la sheegay inuu watay Macallin Jaamacadeed, kaasoo uu soo gaaray dhaawac culus, uuna ka go'ay labada lugood, Waxaana halka uu Qarax Gaari ka dhacay ku sugnaa shacab badan oo ku ganacsanayay suuqyo ku yaalla halkaas.

Sidoo kale, Guddoomiye ku xigeenka Ammaanka ee Degmada Wadajir, Abuukar Axmed Caddoow oo Warbaahinta kula hadlay goobta uu Qaraxan ka dhacay ayaa ka dhawaajiyay in Qaraxaan ay filayaan inuu ahaa mid Gaariga lagu soo xiray. Dhanka kalena Baabuurkan Qarxay ayaa dhammantiis gubtay.

Dhaawacyadii ka dhacay Qaraxan ayaa la dhigay Isbitaalka Madiina, iyadoo la sheegay in dhaawacyadan ay ku jiraan kuwo culus, iyadoo aysan jirin cid sheegatay inay mas’uul ka tahay Qaraxaan.

Ugu dambeyn, Qaraxan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo maalin ka hor Qarax gaari oo mas’uuliyaddiisa ay sheegatay Al-shabaab lagu weeraray mid ka mid ah maqayadaha laga cunteeyo ee Muqdisho, kaasoo khasaare badan sababay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya