4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Warshad nin caan ah uu lahaa oo lagu gubay Itoobiya

Talaado, Oktober 04, 2016 (HOL)-Dalka Itoobiya ayaa dibadbaxeyaal careysan waxay dab qabadsiiyeen warshad uu leeyahay nin tijaar ah.


Waxaa baryahaanba kasocday dalkaasi Itoobiya dibadbaxyo ay wadaan qawmiyadaha Oromo iyo Axmaarada. Warshada haatan la gubay ayaa waxay samayn jirtay shamiitada.

Warshada ayaa waxaa mulkiyadeeda leh nin Nigerian ah. Waxaa lagu magacaabaa ninkaa Aliko Dangote waxaana waliba lagu tiriyaa inuu yahay ninka qaaradaan Afrika ugu maal badan.

Wararka ayaa intaa ku daraya in mudaaharaadeyaashu sidoo kale gubeen saldhig biliis iyo gawaari dawladeed.

Dadka maanta dibad baxa dhigay ayaa ka careysan geeridii dad isbuurasho ku dhintay Axadii ka dib markii boolisku cayrsaday.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]