4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Guddiga Doorashada: Lacagaha laga Qaadayo Murashaxiitna Waxaa loo isitmcaalayaa Doorashada

Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Guddiga hirgelinta Doorashada Dadban ee Somalia, ayaa sheegay in lacagaha laga qaadayo Murashaxiinta u tartamaya Xilalka Aqalka Sare iyo hoose ee baarlamaanka cusub ee Soomaaliya loo isticmaali doono Doorashooyinka.

Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka oo u warramayay BBC-da ayaa xusay in dhaqaalaha musharaxiintu ay bixinayaan waxaan u isticmaali doonnaan in aan ku bixinno adeegyada ergooyinka iyo odayaasha dhaqanka.

“Madashii Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha Soomaaliya, ayaa waxaa lagu go’aamiyay in xildhibaannada raba inay u tartamaan kuraasta baarlamaanka cusub ee Somalia laga qaado lacag lagu diiwaan-geliyo, lacagtaa waxaan u isticmaali doonnaa doorashooyinka,” ayuu yiri Afhayeenka Guddiga Doorashooyinka Ddban Maxamed Kaynaan.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa intaa ku daray in xildhibaanka doonaya inuu u tartamo aqalka hoose ee Baarlamaanka oo raga ah uu bixiyo 5,000 oo Dollar, halka hablaha ay bixinayaan 2,500 oo Doollar.

Xildhibaanka Ragga ah ee doonaya inuu u Tartamo Aqlka Sare wuxuu isaguna bixinayaan 10,000 oo Doollar, halka Haweenkuna ka bixinayaan 5,000 oo Doollar oo ah kala bar tan uu bixiyay xildhibaanka ragga ah.

“Kharashaadkan waxaan ku bixin doonnaa adeegyada ergooyinka iyo weliba odayaasha dhaqanka ee ka imaanaya deegaannada fog-fog, sida meelaha ay dagayaan, cunnooyinkood iyo adeegyada kale ee ay u baahan yihiin,” ayuu afhayeenku hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Dalka ayaa dhawaan dib u dhigeen doorashooyinka xildhibaannada cusub ee baarlamaanka Cusub ee  Soomaaliya iyo midda Madaxweynaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya