4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Maamulka Jubbaland oo ku baaqay in la hakiyo Qoxootiga dib loogu soo celinayo Deegaannadooda


Talaado, Oktoobar 04, 2016 (HOL) — Maamul-goboleedka Jubbaland, ayaa sheegay inay ku talinayaan inaan dib loogu soo celin Qoxootiga Dhadhaab ku nool deegaanadooda, inta laga helayo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin sida; caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Guddi heer wasiir ah oo dhawana uu magacaabay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Madoobe], ayaa booqday xeryaha Dhadhaab si ay u soo arkaan xaaladda ay ku nool yihiin Qoxootiga ku jira xeryahaas iyo inay doonayaan inay dalka dib loogu celiyo in kale.

Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta ee Jubbaland, Aadan Ibraahim Aw-xirsi oo ah guddoomiyaha guddigan ayaa sheegay inay tageen Dhadhaab oo ay soo qiimeeyeen xaaladda Qoxootiga ku nool, ayna ku talo-bixiyeen in dib loo dhigo dib u soo celintooda.

“Innagu waxaan ku talinay in Qoxootiga lagu soo celinayo deegaannadeenna inta laga helayo adeegyada aasaasiga ah ee ay u baahan yihiin qoxootiga dib loo soo celinayo,” ayuu yiri Aw-xirsi oo u warramayay BBC-da.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa xusay in Qoxooti fara baadn deegaanndooda lagu soo celiyay, iyadoo aan loo diyaarin waxyaabihii aasaasiga ahaa ee dadkaas ay baahida gaarka ah u qabeen.

Ugu dambeyn, Maamulka Jubbaland ayaa horay u diiday in Qoxootiga Dalka Somalia u dhashay ee laga soo celinayo deegaannada maamulka Jubbaland, kaddib markii ay ku eedeeyeen Hay’adda UNHCR inay uga baxday heshiiskii ay horay ula galeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya