4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Oct 4 , 2016
Guddiyada Barlamaanka Somalia ee U Kuur-galaya Dhismaha Dowlad Goboleedka Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe oo Gaaray Jowhar (Sawirro)

Talaado, Oktober 04, 2016-Wafdigan ka socday Hay'adda culimada Soomaaliya, gudiga Dastuurka ee Barlamaanka, Gudiga Arimaha gudaha ee Barlamaan, Gudiga Xaduudaha qaranka iyo gudiga dib u heshiisinta ayaa tagay magaalada Jowhar si ay ugu   kuur galaan shirka maamul u sameynta gobolada Hiiraan iyo Sh/dhexe.

Masuuliyiintan ayaa tagay holka shirka maamul u sameynta xili ergada shirka ay ku howlaneed ka doodista qabya qoraalka Dastuurka.

Gudoomiya Gobolka SH/dhexe Cali Cabdulaahi Xuseen Guudlaaawe ayaa ku soo dhaweeyay wafuudo u timid shirka Jowhar Gobolka SH/dhexe isagoo tilmaamay inay rajaynayaan Guuleysiga shirka.

Gudmiyaha Hay'adda Culimada Soomaaliyeed Shiiq Bashiir Axmed Salaad, Shiiq Cismaan Ibraahim Axmed iyo Cabdulkhaaliq Cabdulaah oo ah xubin ka socday gudiga xaduudah iyo federaalka ayaa bogaadiyay shirka ergada ay ku ansixinayaan dastuurka.

Gudoomiyaha Gudiga  dastuurka ee barlamaanka Somaaliya  Xildhibaand Maryan Cariif iyo G.xigeenku gudiga arimaha ku gudha iyo amniga Barlamaanka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesoow ayaa ka hadlay sida ay muhiimka u tahay is waafajinta qabya qoraalka dastuurka Hiiran iyo Sh/dhexe iyo kan Qaranka.

Xoghayaha Joogtada ah ee Wasaarada arimaha iyo federaalka Yaxye Cali Ibraahim gabagabdii sheegay in dowladda ay rajaynayso in shirku ku dhamaado jadwalka looga talagalay oo ah on 15 ka bishan la soo xiro.

Mustaf Hussein
Hiiraan Online
[email protected]