4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Safiirka Kenya ee Mareykanka oo sheegay inaan khasab lagu xirayn xeryaha Dhadhaab (Sawirro)

Isniin, Oktoobar 31, 2016 (HOL) — Danjiraha Kenya u fadhiya Magaalada Washington ee Dalka Mareykanka, Robinson Njeru Githae oo kulan la qaatay Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, ayaa sheegay in Dowladda Kenya aysan damacsaneyn inay si khasab ah ku xirto Xeryaha Qaxootiga Dhadhaab oo ay ku nool yihiin qoxooti tiro badan oo Soomaali ah.

Safiirka oo Magaalada Atlanta uga qayb-galayay xafladda Maalinta Geesiyaasha Kenya ee loo yaqaano (Mashujaa Day) oo 29-kii Oktoobar ay Jaaliyadda Kenya ku Qabteen Atlanta, ayaa Booqday Goobaha Ganacsiga ee Soomaalidu ay ku leeyihiin Xaafadda Clarkston ee Degmada DeKalb oo uu kula kulmay bulshada Soomaaliyeed ee kasoo jeedo Soomaaliya iyo Kenya.

Danjiraha, ayaa dadkii uu kulan la qaatay uga warbixiyay Wax qabadka Safaaradda Kenya ee Mareykanka, Arrimha Socdaalka, Diyaar-garoowga Hannaanka Doorashada Kenya ee Sannadka soo socdo iyo mowqifka ay dowladdiisu dooneyso iney kula dhaqanto Qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee ku nool magaalooyinka waa weyn iyo xeryaha qaxootiga Kenya.

Githae, ayaa shaaciyay in si waafaqsan heeshiiskii ay saddex sano ka hor ku wada gaareen magaalada Nairobi Xukuumadaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay'adda Qaramada Midoobay ee Arrimaha Qaxootiga [UNHCR], lagula dhaqmi doono Qoxootiga Soomaaliyeed ee ku nool Dhadhaab oo uu sheegay in dowladiisu ay taageeri doonto kuwa rabo inay iskood ugu noqdaan dalkooda, isla markaasna aanan la dhibaateyn doonin kuwa sii joogaayo.

Dadka Soomaaliyeed ee kasoo jeedo dalka Kenya iyo dadka Kenyanka ah ee ku nool dalka Mareykanka ayuu Danjiruhu u sheegay in Sannadka soo socdo ee 2017-ka ay ka Qayb-gali karaan Doorashada ka dhici doonto Kenya, ayna codadkooda ka dhiiban karaan Safaaradda Kenya ay ku leedahay Magaalada Washington DC iyo labada Xarumood ee Safaaraddu ay ku kala leedahay Magaalooyinka New York iyo Los Angels.

Sidoo kale, Axmed Xuseen oo mid ah Ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool Atlanta, kuna Takhasuusay - Cilmiga Sayniska Cunnada, Farsamada Wax-soo saarka iyo Bey'adda ee loo yaqaano Food Science, Technology & Agribusiness, ayaa ka hadlay maal-gashiga ay qurba joogta Soomaaliyeed Kenya ku Sameynayaan iyo sidii loogu Fududeeyn lahaa in ay si xor ah ganacsigooda uga wataan dalka Kenya, isla markaana ay u sii gudbiyaan Soomaaliya si ay horumarka oga qeyb qataan.

Waxaa isna goobta ka hadlay, Dr. Cali Macallin Maxamed oo kulankan ka ahaa goob-joog, Wuxuuna uga Mahad-celiyay Danjiraha Kenya ee Mareyanka Booqashadiisa uu ugu yimid Soomaalida ku nool Magaalada Atlanta ee gobolka Georgia, Mareykanka.

Dhanka kale, Cusman Dheere oo loo yaqaanno (Sijui), oo ka mid ah Guddiga Soomaalida Kenya ee Atlanta, ayaa danjiraha uga warbixiyay dhibaatooyinka ay dadka Soomaaliyeed kala kulmaan Garoonka  Diyaaradaha ee Jomo Kenyatta (JKIA), marka ay galayaan dalka Kenya iyo marka ay ka baxayaan oo uu sheegay in lagu dhibaateeyo, isla markaana looga qaado lacago badan oo laaluush ah.

Inta badan, Dadweynihii ka qayb-galay kulanka, ayaa u soo jeediyeen safiirka in Dowladda Kenya ay wax ka qabato tacaddiyada xad-dhaafka ah iyo weliba dhibaatooyinka ay Askarta Kenya u geysanayaan Soomaalida ku nool Kenya.

Hadalka Danjiraha ee ku Aadan inaanan si khasab ah lagu xiri doonin Xerada Qaxootiga ee Dhadhab, ayaa ku soo beegmaaya Xilli dhawaan ay Hay'adaha u dooda Xaquuqul Insaanka ku eedeyeen Dowladda Kenya iney ku qasbeyso Qaxootiga Soomaaliyeed inay khasab ugu laabtaan dalkooda, isla markaasna la sheegay in Bisha November ee Sannadkan loo qabtay Ooxootiga ku Nool Xeryaha Dhadhaab-Kenya inay uga baxaan Xeryahaas.

Ugu dambeyn, Safiirka ayaa balan-qaaday in safaaradu ay hadda kadib xiriir wanaagsan la sameyn doono Soomaalida Atlanta; wuxuuna ka codsay dadka Soomaaliyeed ee Kenyanka ah, inay toos ula xiriiraan Safaaradda haddii ay cabashooyin qabaan.

Najah Mohamed Ali, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Atlanta, Georgia - Mareykanka