4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Faransiiska oo sheegtay inuu la baxayo Ciidanka kaga Sugan Jamhuuriyadda Bartamaha Afrika


Isniin, Oktoobar 31, 2016 (HOL) — Dowladda Faransiiska, ayaa sheegtay in ciidamadeeda ay kala baxayso Jamhuuriyadda Afrika Dhexe, kaddib markii ay sheegtay in hawl-galkii ay ka wadday dalkaas lasoo gaba-gabeeyay Manta oo Isniin ah.

Saddax sano ka hor ayay Dowladda Faransiisku fara-gelin ku sameeyay dalkaas xiligaasoo ay ka socdeen dagaallo sokeeye. kuwaasoo billowday Sanaddii 2013-kii, waxaana ku Bara-kacay in ka badan shan meelood oo meel dadkii dalkaas ku noolaa.

Howl-galka Farnsiiska oo loogu magiac-daray Sangaris, wuxuu ahaa kii ugu horreeyay oo Caalami ah oo la geeya dalkaasi markii ay billaabatay colaada u dhexeysa Muslimiinta iyo Masiixiyiinta dalkaas wada dega.

Sidoo kale, Ciidamada dalka Faransiiska ayaa markii dambe doorkoodu kusoo koobay inay Sirdoon iyo sahay uun la wadaagaan Hawl-galka QM ay ka waddo dalka Bartamaha Afrika ee loo yaqaan MINUSCA.

Wasiirka Gaashaandhigga dalka Faransiiska, Jean Yves Le Drian ayaa ku sugan magaalada caasimadda ah ee Bangui, isagoo ka Qayb-galayo Xafladda lagu Sagootinayo Ciidamadiisa dalkas ku sugan.

Dhanka kale, Jean Yves ayaa wakaaladda AFP u sheegay in Fransiisku uusan meel cidla ah uga tegi doonin Waddanka Afrikada Dhexe oo uu horay u soo Gumeystay. Isagoo sheegay in 350-Askari ay sii joogi doonaan, si ay u Taageeraan Hawl-galka QM ee MINUSCA iyo Xoogagga Ammaanka Dalkaas.

Ugu dambeyn, Ciidammada Qaramada Midoobay iyo kuwa Faransiiska ee ku sugan Dalka Afrika Dhexe, ayaa lagu eedeeyay in xad-gudub Galmo ah kula kaceen Carruur u dhalatay dalkaasi. Eedayntaai ayaa bannaanka timid kaddib markii saxaafada loo gudbiyay natiijada baaris ay Qaramada Midoobay sameysay sannadkii hore ee 2015-kii.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya