4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Xukuumadda Itoobiya oo xabsiyada ka sii daysay Kumanaan qof oo dhawaan xabsiga loo Taxaabay


Isniin, Oktoobar 31, 2016 (HOL) — Xoogagga Amniga Itoobiya ayaa xabsiga kasii daayay illaa 2,000 oo qof oo Todobaadyadii la soo dhaafay la xiray, sida ay baahisay Warbaahinta Fana oo xiriir la leh Xukuumadda Itoobiya.

Maxaabiistan xabsiyada laga sii daayay, ayaa horay loogu eedeeyay inay ku lug-lahaayeen rabshadihii Dalkaas ka dhacay billooyinkii la soo dhaafay, kuwaasoo geystay khasaarooyin kala duwan.

Warbaahinta Fana oo soo xiganaysay Wasiirka Difaaca Dalka Itoobiya, Siraj Fegessa ayaa ku warrantay in Dadkaan xabsiyada laga daayay, kaddib markii ay ku Warrameen in ay ka Waaantoobeen khaladaadkii ay sameyeen.

Wasiirka Difaaca Itoobiya, ma sheegin tirada Dadka wali ku harsan Xabsiyada Dowladda, iyadoo kumannaan dadweyne ah la xiray tan iyo markii illaa markii dalkaas lagu soo rogay xukunka deg-degga ah.

Sidoo kale, 20-kii bishaan Oktoobar, in ka badan 2,600 - Ruux ayaa la xir-xiray, iyadoo loo cuskaday sharciga deg-degga ee dalkaas lagu soo Rogay billowgii bishan, kaddib markii ay dhaceen dibad-baxyo lagu diiddan yahay dowladda Itoobiya.

Dhanka kale, Kooxaha Mucaaradka ah ayaa dalbanaya in xorriyado dhinaca siyaasadda ah la siiyo. Waxaana Dalka Itoobiya ka talinayay Xisbiga EPRDF tan iyo Sannaddii 1991-kii oo la riday xukuumaddii Col. Mingiste Haile Mariam.

Hay’adaha u dooda Xuquuqda Aadanaha, ayaa horay u sheegay in 500-qof ay ku dhinteen mudaaharaadyada ka socday Waddankaas Toddobaadyadii lasoo dhaafay, kuwaas oo inta badan ahaa dad kasoo jeeda Gobollada Oromia iyo Amxaarada Itoobiya.

Ugu dambeyn, Dadka u ololeeya Qawmiyadaha Oromo iyo Amxaarada, ayaa ka cawda in siyaasadda laga gacan-bidixeeyay ee waddankooda. Orommada iyo Amxaarada waa 60% bulshada dalka Itoobiya, waxayna ka cawdaan inay awoodda gacanta ugu jirto Dabaqad yar oo ka tirsan Qawmiyadda Tigray-ga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya