4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Qodobada dastuurka maamulka Hir-shabeelle qaarkood oo wax ka badal lagu sameeyay

Isniin, Oktober, 31, 2016 (HOL)--Xildhibannada baarlamaanka cusub ee dowlad gobolleedka Hir-shabeelle ayaa kulan ay ku yeesheen magaalada Jowhar wax ka badal ku sameeyay qaar ka mid ah qodobada ku jira dastuurka dowlad gobolleedka.

Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Hir-shabeelle Cismaan Barre Max'ed ayaa warbaahinta u sheegay in xildhibaannad cod u qaadeen in wax ka badal lagu sameeyo qodobada qaar ee ku jira dastuurka.

Mudanayaasha ayaa cod u qaaday wax ka bedelida qodobka 31aad cutubkiisa 3aad ee dastuurka Hirshabeelle kaasoo diidayay in xildhibaanada baarlamaanka ay qaban karaan xilalka heer wasiir ee maamulka Hirshabeele, hase yeeshee codkii loo qaaday in wax laga bedelo qodobkaan ayay xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle cod aqlabiyad leh isugu raaceen in wax laga bedelo maadaama uu ka hor imanayo qodobka 97aad ee dastuurka Federalka ah.

Fadhiga oo ay soo xaadireen 98 xildhibaan ayaa waxaa diiday 3 xildhibaan halka 1 xildhibaan uu ka aamusay,sidaa darteed ayaa qodobkaas uu ku noqday mid wax laga bedelay waxana lagu bedelay qodobkan  xildhibaanada in ay ka qaban karaan xil dowlada Hirshabeelle.

Waxaa siddoo kale xusid mudan in  xildhibaannada Hirshabeelle wax ka badal ku sameeyeen qodobka 40aad ee dastuurka Hirshabeelle cutubkiisa3aad  oo dhigaya in marka xilliga baarlamaanka uu dhamaado uu guddoomiyaha Maxkamada Sare kala diri karo baarlamaanka. Hase yeeshee xildhibaanada baarlamaanka Hirshabeelle ayaa soo bandhiga in wax ka bedel lagu sameeyay qodobkaan.

Ugu danbeyntii, xildhibaannada ayaa waxaa ay soo bandhigeen in lagu bedelo qodobkan in marka uu dhamaado xilliga baarlamaanka uu bedeli karo baarlamaan si sharci ah loo soo doorto.Cod loo qaaday qodobkan ayaa xildhibaanada si aqlabiyad leh ay ugu codeeyeen in wax laga bedelo qodobkaan.

Waxaa tallaabadii ugu horeysay oo ay qaadeen xildhibaannada baarlamaanka cusub ee Hir-shabeelle tan iyo markii la dhisay, marka laga reebo doorashadii guddoonka baarlamaanka, madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne Soomaaliya