4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Dowladda Soomaaliya oo amartay in la xirro safaarada Soomaaliya ee Sanca
 
Isniin, Oktober, 31, 2016 (HOL) -- Dowladda Soomaaliya ayaa amartay in muddo bil guddaheed ah lagu xirro safaarada Soomaaliya ee magaalada Sanca, sidda uu warbaahinta u sheegay qunsulka safaarada Cismaan Axmed Max'ed..

Wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya  ayaa qoraal ay soo saartay ku amartay in sidda ugu dhaqsiyaha badan loo xirro safaarada Soomaaliya magaalada Sanca ee dalka Yaman.

“Shaqda safaarada waxaa ka mid ahaa daadgureynta dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateysan dalka Yaman oo ay saameynta ku yeesheen dagaallada halkaa ka socda,  waxaa naloo soo dirray warqad nooga timid wasaarrada arrimaha dibada Soomaaliya oo lagu amrayo in muddo bil gudaheed ah lagu xirro safaarada''ayuu yiri qunsulka ahna sii hayaha safaarada Cismaan Axmed Max'ed.

Sababta ugu weyn ee loo xirrayo safaarada ayuu sheegay qunsulka in ay tahay dowladda Soomaaliya oo taageertay dowladda sharciga ah ee ka jirta dalka Yaman, siddaa daraadeed aysan suurtagal aheyn in saafaradu ka sii furnaato magaalada Sanca oo ay maamulaan xuutiyiinta ku kacsan dowladda dalkaasi Yaman.

''Xirnaashaha safaarada Soomaaliya ee Sanca waxaa ay keeni kartaa dhibaato weyn oo soo food saarta dadka Soomaalida ah ee dalkaasi ku dhaqan'' ayuu hadalkiisa raaciyay qunsulka.
 
Ugu danbeyntii, dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan cambaareysay gantaal xuutiyiinta Yaman ay ku rideen magaalada barakeysan ee Makka Al-mukarama ee dalka Saudi Arabia.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya