4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
18 qof oo ku dhintay duqeymo laga fuliyay gobolka Taiz ee wadanka Yemen

 

Isniin, Oktoobar 31, 2016 (HOL)-Ugu yaraan 18 qof oo ka mid ah shacabka wadanka Yemen ayaa lagu dilay duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay  gobolka  Taiz.

 

Diyaaraha xulufada Sacuudigu hor boodayo oo duqemymaha fuliyay ayaa bartilmaameedsaday   xaafadao  ku yaala degmada al-Salwa sida laga soo xigtay sarakiisha  wadankaasi Yemen.

 

Degaankaa  ayaa waxaa ku sugan  falaagada Xuutiyiinta   oo doonaysa  gacan ku haynta  degmadaa halka  ciidamada amaaanku ay arinkaa kasoo horjeedaan.

 

Gobolka Taiz  waa gobolka sedexaad ee ugu weyn Yemen  waxaana la sheegay in dagaalada ka hor ay ku noolayeen dad dhan  300,000  oo ruux.

 

Laamaha amaanka  ee wadanka Yemen ayaa wakaalada wararka ee  AP u sheegay in duqeymahaa  lagu garacay guriga nin rayid ah oo lagu magcaabo Cabdullaahi Abdo halkaasi oo lagu dilay  11  qof oo ka mid ah xubnaha qoyskaa.

 

Taxaalufka wadamada Carbeed ayay beesha caalamku ku dhalliishay  dilalka  uu u geysto  dadka rayidka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
Caasimada Kenya ee Nairobi
[email protected]