4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Guddoomiyaha cusub gobolka Hiiraan oo ciidammada mishaar u ballanqaaday

Isniin, Oktober, 31, 2016 (HOL) -  Guddoomiyaha cusub ee maamulka gobolka Hiiraan ee dhawaan la soo magacaabay Cali Jeyte Cusmaan, ayaa markii ugu horeysay ballanqaaday ciidammada qalabka sidda ee ka howlgala gobolka bil walba mishaar heli doonaan.

Guddoomiyaha oo booqday saldhiga booliiska degmada iyo xabsiga ayaa sheegay in ka maamul ahaan ku dadaali doonaan tayeeynta ciidammada,, gaar ahaan kuwa booliiska, si wax looga badallo xaalada nabad-galyada.

''Waxaan halkan ka ballan-qaadayaa in bil walba ciidammada helli doonaan mishaarkii ay xaq u lahaayeen, waa laga yabaa in dhaqaaluhu iska yar yahay, laakiin ma dhici doonto wixii hadda ka danbeeya in ciidamadu mishaar la'aan ahaadaan'' ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha waxaa booqashadiisa ku wehlinayay guddiga ammniga gobolka ee dhawaan la soo magacaabay, kuwaa oo soo rogay awmiir cusub oo lagu xaqiijinayo nabad-galyada guud ahaan gobolka Hiiraan, gaar ahaan magaalada Beledweyne.

''Guddiga ammigu waxaa uu ku qasban yahay in uu habeeni iyo maalin shaqeeyo si wax looga badallo ammniga gobolka,waxaan rabnaa in aan shacabka u sheegno in ay ciidammada la shaqeeyaan, madaama ay socdaan howlgalo nabad-galyada lagu xaqiijinayo ayuu yiri'' Jen Cumar Dheere oo madax u ah guddiga amniga gobolka.

Dhawaan ayeey aheyd markii weerar ismiidaamin ah lagu qaaday saldhig ciidammada Jabuuti ay ku yeeliyiin xaafadda Howl-wadaag ee magaalada Beleweyne, waxaana weerarkaa ku dhintay askar ka tirsan AMISOM iyo dad rayid ah.

Ugu danbeyntii, madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa dhawaan is badal ku sameeyay maamulka gobolka isaga soo magacaabay guddoomiye cusub iyo guddi gaar ah oo ka shaqeyn doona arrimaha nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya