4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 31, 2016
Madaxda Xisbiga Dimuquraadiga oo dhaliilay u jeediyay saraakiisha FBI Mareykanka

Isniin, Oktober, 31, 2016 (HOL) - Madaxda  xisbiga dumuqraadiga ee ka tirsan Sanate-ka Maraykanka ayaa sheegay in ay suurto-gal tahay in hay'adda FBI-da  Mareykanku sharciga jabisay maadaama oo ay shaaciyeen xiligan baaritaanka lagu sameynayo emaillo ay suurto galtahay in lala xidhiidhin karro Hillary Clinton.

Harry Reid, ayaa ku eedeeyay agaasimaha FBI-da, James Comey, in uu ku xadgudbay sharci saraakiisha dowladda ka horjoogsanaya in ay qaadaan tallaabooyin laga yaabo marka danbe in ay saameyn ku yeeshaan arrimaha doorashada,

Baaritaankan ama daba-galkan FBI-da ay ku hayaan email -lada musharaxa xisbiga dumuquraadiga Hillary Clinton ayaa imanaya xili wax ka yar labo todobaad ay ka harsan tahay doorashada madaxnimad dalkaas.

Sidoo kale waxa la sheegayaa in FBI-du heshay fasax maxkamadeed oo ay ku baadhayaan emaillo badan oo ay lahayd haweenay kaaliye sare u ahayd Clinton.

Dadka sidda weyn ugu dhuundaloola arrimaha siyaasada dalkaasi Mareykanka ayaa qaba in baaritaannadan socda waxba u dhimi doonin rajada musharaxa xisbiga dumuqraadiga, madaama taageerayaasheedu wali kalsooni buuxda ku qabaan musharaxooda.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya