4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Maamulka Galmudug oo soo Bandhigay Gabar Ajnabi ah oo ay ka soo furteen Barcad-badeed

Axad, Oktober, 30, 2016 (HOL) --Maamulka gobolleedka Galmudug ayaa warbaahinta ugu soo bandhigtay dagmada Cadaado gabar ajnabi ah ciidamo ka tirsan maamulka ku soo furteen howlgal ay xalay ka sameeyeen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Haweeneydan ayaa lagu waramayaa in muddo labo sanno ah ay afduubneyd kooxo burcadbadeed oo ku doonayay in madax furasho laga siiyo.

Madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Max'ed Xaashi Cabdi ayaa haweeneydan ku soo dhaweeyay magaalada Cadaado, waxaana laga dareemayay ama ka muuqday jirkeeda daal iyo daruuf adag oo ay ka dhaxay mudadii ay afduubneyd.

Loise  Weru oo ah gabadha Kenyaan ah ee la soo badbaadiyay ayaa sheegtay in kooxda ay u qafaalneed ay ula dhaqmayeen si arxan darro ah, oo xitaa aysan hellin biyo ay cabto xilliyada qaar, balse maanta ay ku faraxsantahay in laga soo badbaadiyay gacanta kooxihii mudadda ay u afduubneyd.

“Dadka aan u afduubnaa waxaa ay ahaayeen kuwo naxariis darran, waxaa xalay is soo badbaadiyay ciidammada Galmudug, waxaana hadda la joogaa madaxweyne ku-xigeenka'' ayeey tiri Loise Weru.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa sheegay in dadaal dheeraad ah ay ku bixiyeen siddii loo furan lahaa gabadhan ajnabiga ah iyo laheystayaal kale oo wali ku harsan gacanta burcad badeeda.

Ugu danbeyntii, horaantii sanadkan ayaa hawlgal nuucan ah oo kale lagu soo badbaadiyay nin Kenyaan ahaa oo gabadhan lala qafashay.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya