4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 30, 2016
SOMALILAND: Guddiga Doorashada oo beeniyay inay luntay xogta Diiwaanka Cod-bixiyeyaasha


Axad, Oktoobar 30, 2016 (HOL) — Guddiga Doorashooyinka Qaranka Somaliland, ayaa beeniyey Warar sheegaya in la masxay Qayb ka mid ah kaydadkii Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha, isla markaaan dadka wararkaasi ka qora ku tilmaamay kuwo doorasho diid ah oo ceebaynaya komishanka doorashooyinka.

War-saxaafadeed uu ku saxiixnaa afhayeenka Komishanka Doorashada Siciid Cali Muuse ayaa sheegay in aanay masax min ama la tirtirin wax dhukomanti ah ama diiwaangelin ah, waxaan uga digay dadka caadaystay inay warar aan jirin ka faafiyaan guddiga doorashada.

Sidoo kale, Siciid Cali Muuse Wuxuu ka hadlay Shaqaale la dhimay oo ka Hawl-galayay Komishanka Doorashooyinka. wuxuuna yiri. “Marka koowaad kommishanka doorashada qaranku waxay mahad aan la soo koobi karin u dirayaa dhammaan cid kasta oo ka Qayb-qaadatey hirgelinta bilawga diiwaangelinta iyo dhamaystirkeedaba Sida:

• Bulshada reer Somaliland oo u Dhabar-adaygay safafkii dhaa-dheer, ilaaliyayna habsami  u socodka diiwaangelinta.

• Xukuumadda Somaliland sidii hagar la’aanta ahayd ee ay isaga xil saartay qabsoomida diiwaangelinta hadii ay tahay xag dhaqaale iyo mid aminaba.

• Xisbiyada Qaranku sidii kartida iyo Daacadnimada lahayd ee ay noola sheqeeyeen gobol kastana ugana  hawlgaleen.

• Qaadhaan bixiyayaasha gaar ahaan EU/UK sidii ay uga qaybqaateen bixinta dhaqaalaha, dhinaca farsamada  diiwaangelinta iyo dhicanca wacyigelinta oo ay ka taageereen ururrada bulshada.

• Waxaa kale oo KDQ u Mahad-celinayaa Dhammaan Shaqaalihii & Jaamacadihii iyagana ka sheqeeyay diiwaangelinta codbixiyayaasha sidoo kalana ciidanka qaranka kaalintii lama ilaawaanka ahayd ee ay ka qaateen dhinaca amniga.

Sidaad la socotaan Waxaa inoo Qabsoomay Diiwaan-gelin hufan oo inoo horseedi doonta doorasho xor iyo xalaal ah. KDQ waxa uu mudooyinkan ku hawlanyahay qaybihii kale ee dhamaystirka diiwaangelinta codbixiyayaasha oo ah kala hufida dadkii isku dayay in ay hal mar kabadan is diiwaangeliyaan, soo daabacaada iyo qaybinta kaadhka codbixiyaha oo KDQ dhamayn doono inta doorashada ka horeysa.”

Komishanka Doorashada oo ka hadlaya shaqaale la dhimay oo ka Hawl-galayey Diiwaan-gelinta wuxuu yiri “Diiwaan-gelinta waxaa ka Hawl-galay Shaqaale Tiradoodu ka badan tahay 10,000 oo qof, shaqaalahaasi waxay lahaayeen contract/ heshiisyo kala duwan oo mid walba marka uu u dhamaado hawlgalkiisu la fasaxayay shaqaalahaas hawshaas loo igmaday, iyada oo intii ugu danbaysay la fasaxay bishan October 2016 maadaamaa qaybtii kowaad ee diiwaangelintii ee shaqaalahaas loo qaatey dhamaatay.

Komishanka Doorashooyinka Qaranka (KDQ) wuxuu cadaynayaa in shaqaalaha KDQ aan loo kala dirin wax lacag la’aan ah ee inta lafasaxay ay tahay intii ay shaqadu ka dhamaatey intii kalena shaqadooda sii wadan doonaan.”

Siciid Cali Muuse, afhayeenka Komishanka Doorashooyinka oo ka  jawaabaya wararka sheegaya in la tirtiray xog ka mid ah dadkii diiwaangelinta waxa uu yidhi “Maanta oo Axad ah bishuna tahay 30/10 komishanka doorashooyinka qaraanku waxa uu halkan ku cadaynayaa in aanay habayaraatee jirin wax xog (Data) ah oo ka luntay, la xaday, ama la masaxay midnaba, sidoo kalana cid la tuhunsanyahay oo shaqaalaha KDQ ahi aanay jirin xataa marka lagu daro labadadii goobood ee hore dhibaatada yari uga dhacday ayana in xogtoodii oo dhamastiran la ahayo.

1. KDQ, Wuxuu Caddeynayaa in aan xogta diiwaangelinta la masixi Karin, la furan Karin aalad kalena lagu isticmaali Karin oo ay xafidantahay.

2. KDQ, Wuxuu u digayaa Dadka caadaystay in ay Qarankan isku dayaan Dumistiisa ahna doorasho diid  kuna meeraysta warar aan sal iyo raad aan lahayn oo sheegay in la waayay xogtii diiwaangelinta.

3. KDQ markuu ka baaraan dagay, eegay, darsayna  qoraalada naxliga huwan ee laga qoray Komishanka Doorashooyinka qaranka, Guddida doorashooyanka qaranku  Waxay si cad ugu gudbinayaan bulsahada S/land in aanay wararkaasi waxba ka jirin ay sheegeen caado qaatayaasha caadaystay isku dayga burburinta qaranka, iskuna dayaya inay tashuush iyo shakiga ku dhex abuuraan bulshada daacada u ah dalkeeda iyo dadkeeda ee diyaarka u ah in ay helaan doorasho xor iyo xalaal ah oo ka qabsoonta dalka.

Guddiga Doorashooyinka, Waxay go’aansadeen una gudbin doonaan arinka laga qoray komishanka doorashooyinka qaranka ee ku tilmaaman xog la xaday, la masaxay ama la la’yahay se aanay waxba ka jirin dhamaan hayadaha sharcaiga ee ay khusayso si talaabo looga qaado cida caadaysatay in ay baahiso wararka been abuurka ah ee xaqiiiqada ka fog ujeedadeeduna tahay  in ay khalkhal iyo kicin ku samayaan bulshada Somaliland.

Dhanka kale; Sida aad ula socoteen Diiwaan-gelintii inoo dhamaatay waxaa dhaqaaleheeda bixiyay xukuumada oo kaalin hormood ah kagashay iyo qaadhaan bixiyayaasha gaar ahaan EU/UK.

Sidoo kale miisaaniyada lagu geli doono doorashada inagu soo aadan ee madaxtooyada oo ku beegan 28/03/2017, waxaanu si toos ah ugaga mahadcelinaynaa xukuumada oo bixisay 4,000,000 oo dollar iyo qaadhaan bixiyayaasha oo bixinaya kaararka iyo daabacaadooda, qayb shaqaalaha xarunta ka mid ah iyo warqadaha doorashada oo dhaqaale ahaan ku dhaw laba milyan oo dolar.

Ugu dambeyn, Haddaba waxaa jira faraq miisaaniyadeed oo dhan lacag ilaa afar milyan oo Doollar ah oo aan weli lahayn. Farqigaa lacageed ee dhiman waa mid Qaran ahaan ina saaran sidii loo heli lahaa. Annagoo uga Mahad-celinayna balanqaadkii Madaxweynaha JSL iyo deeq bixiyayaasha.”.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland