4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
SAWIRRO: Madaxweyne ku xigeenka Somaliland oo Furay Tartanka Kubada Koleyga oo Hargeysa

Axad, Oktoobar 30, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland iyo ku-simaha Madaxweynaha, C/raxmaan C/llaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa tartankii lixaad ee ciyaaraha Kubadda Koleyga Gobollada Somaliland Si Rasmi ah uga Furay Garoonka Tima-cadde ee Hargeysa.

Furitaankii tartanka 6-aad ee Kubadda Koleyga gobollada Somaliland waxa ka qeybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna ku-simaha Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Dalxiisa Somaliland Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane, Wasiirka Maaliyadda Samsam Cabdi Aadan, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Cayaaraha iyo Dalxiisa Somaliland, Md., Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamuud Ismaaciil Deeq, Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), Maayarka Gabiley Md Md. Maxamed-amiin Cumar Cabdi iyo Taliyaha Booliiska Jen. C/laahi Fadal Iimaan.

Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubadda Kolayga Somaliland, Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qodax) oo u mahadnaqay dhammaan marti sharaftii ka qeybgashay, gaar ahaan Ciidanka Booliska iyo Telefiishanka Qaranka.

“Runtii tartankan waa tartankii lixaad, waxa afar goor oo ka mid ah ku guuleystay Gobolka Maroodi-jeex, halka tartankii ugu dembeeyey uu ku guuleystay Gobolka Gabiley oo isagu ah ka difaacanaya tartankan,” ayuu yidhi Md. Maxamuud Xasan Cabdillaahi.

Waxa kaloo halkaas ka hadlay Guddoomiyaha Guddiga Qabanqaabada Tartanka Ciyaaraha Gobollada Somaliland, ahna Agaasimaha Guud ee Wasaaradda dhallinyarada iyo ciyaaraha iyo Dalxiisa Somaliland, Md. Maxamed Xuseen Dhabbeeye oo ugu horreyn u mahadnaqay marti sharaftii iyo dadweynihii ka soo qeybgalay furitaankii tartankii lixaad ee ciyaaraha kubadda kolayga Gobollada Somaliland.

“Waxaa farxad weyn noo ah in Somaliland oo nabad ah inaynu joogno Garoonka Kubadda Kolayga ee Timacadde oo aynu halkan ku furi doono tartanka ciyaaraha Kubadda Kolayga ee Gobollada Somaliland.Waxaan qabaa Somaliland oo dal xor ah, nabadgalyo ah, qiimaha aynu xaggan caawa  ku joogno dadnimada, dalnimada iyo waxay qabsatay, ayaa ay ka Tur-jumayaan Cayaaruhuna iyo Horumarka in uu dalkani yahay Dal Madax-bannaan oo iskii u taagan oo aan cidna u daba-fadhin jiritaanka Dowladnimadiisa iyo Qarannimadiisa.”ayuu yidhi Dhabeeye

Waxaanu intaas ku daray; “Dhaqan umay ahaan jirin inay Madaxdu timaad garoomada, balse intii ay jirtay xukuumadda xisbiga KULMIYE, ayaa Madaxdeeda oo ay ugu horreeyaan Madaxweynaha, Madaxweyne-ku-xigeenka iyo Wasiirradiisa ay dhaqan noqotay inay yimaaddaan garoomada furaan oo ay koobabka bixiyaan, isla markaana dhiirrigeliyaan dhallinyarada Jamhuuriyadda Somaliland, waxayna ka turjumaysaa hoggaamiyaha siyaasadda dalkan, Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ee ku dhisan horumarka iyo dhiirrigelinta dhallinyarada reer Somaliland.”

Maayarka Caasimadda Hargeysa Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isna halkaas hadal ka jeediyey, ayaa yidhi; “Runtii farxad weyn bay ii tahay, dadku in badan waxay aragtaa garoonkan oo sidan u hagaagsan 1992-kii markii aynu waddanka soo galnay oo uu ahaa goob xashiishku yaallo. Waxaan xasuustaa Maxamed Cali (Calo) (AUH) oo ku ciyaari jiray garoonkan, isla markaana ahaa ka mid ahaa Raggii  dhallinyarta abaabulay jiray iyo Rashiid Lugay oo halkaa iiga soo jeeda, soona bilaabay oo aannu 1993-kii ka dhignay meel lagu ciyaaro oo aan anigu markaa ahaa dadkii baranayey Basket Ball ka. Markaa sidaas ayey munaasibadani iiga muhiimsan tahay munaasibadaha kale, waayo ku baddani waa kubadda aan xoog u aqaanay, waa kubadda aan halkan ku ciyaari jiray. Run ahaantiina dhallinyarada Hargeysa waxaan leeyahay marti baa la idiin yahay oo inaad soo dhaweysaan gobollada kale kubaddu keento in si fiican loo wada ciyaaro iyo is-dhexgal oo ay isbartaan cidda ka timmi gobollada.

Guddoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex Md. Maxamuud Ismaaciil Deeq oo u mahadnaqay cid kasta oo gacan ka gaysatay in ciyaaraha gobolladu si fiican uga furmaan caasimadda Hargeysa.

Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Dalxiiska Somaliland C/llaahi Faarax Maydhane oo u mahad-naqay kasoo qeybgalayaasha, ayaa ku boorriyey dhallinyarada in tartanku uu yahay wax loo baahan yahay, isla markaana ay la isugu hambalyeeyo ciyaar iyo akhlaaq fiican ba oo wadaniyadnimo inaad muujisaan.

Intaa kadib Md. Cabdillaahi Faarax Maydhane waxa uu ku soo dhaweeyey Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo isaguna halkaa ka hadlay, ayaa sheegay in ciyaaruhu ay yihiin furaha is dhexgalka bulshada, isla markaana kula dardaarmay kooxa tartankan ciyaaraya iyo taageerayaashoodaba in ay muujiyaan akhlaaq wanaag iyo isu hannaynta guusha, waxaannu kula dardaarmay in ciyaaraha wanaaga iyo sumcadda ay ku dhammaystaan in ay qayb ka qaadanayso sawirka wanaagsan ee qaranka Somaliland.

Waxaa kale oo uu Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo sheegay in mar kasta ay ahmiyadda koobaad xukuumadda KULMIYE siinayso horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha kuna dedaalayaan in ay sii horumariyaan.

“Waxaan aad iyo aad ugu faraxsan nahay inaan idin kala soo qaybgalo tartankan gobolladda ee kubbadda koleyga, runtii waa guul qarankeenna u soo hoyatay, waxaanan halkan ka sheegayaa inay aniga si gaara farxad iigu tahay oo raggii halkan laga sheegay inay tacab badan geliyeen sidii loo heli lahaa ciyaartoy kubbadda koleyga sida alle u naxariiste Maxamed Cali (Calo) oo aannu iska fasal ahayn sidoo kale ninkii la odhan jiray Dhereeye isna isku fasal baannu ahayn waxay ahaayeen xidigihii kubbadda koleyga 1990-naadkii calanka u siday kubbadda koleyga ee gobollada.Qof kastaana sida uu ugu tabcado ayaa loo xusuusnaad doonaa sida Alle how naxariistee marxuum Calo waxaan idinku dardaraaya dhammaan siddeeda gobol ee ka qaybgelaya tartankan iyo taageerayaashoodaba waa in la idinka arkaa anshax iyo asluub, guushana aad isku hibeysaan kolley lama wada guuleysanayo, cid koox ayuunbay guushu raaceysaa, waa in laysku hambalyeeyo, gobol kastana waa Somaliland,ciyaartoyga dhammaantood waan hambalyeynaya waxaanan Alle ka baryayaa inuu guul innoogu soo dhammaado,” ayuu yidhi Madaxweyne-ku-xigeenku Saylici.

Intaasi kaddib, Waxaa la furay Cayaarihii, waxana wada ciyaarahy gobolka Hargeysa iyo gobolka Gabiley, waxaana ciyaarta badiyey Gobolka Gabiley oo keensaday 55-dhibcood, halka gobolka Hargeysa keensatay 18.

Dhinaca kale, tartankii Kubadda Cagta ayaa iyaguna maraya meel Xasaasiyadda, waxaana foodda is daray goboladda kala ah:

Gobolka Gabiley iyo Gobolka Daad madheedh ayaa foodda is dartay, waxana laba iyo hal ku badiyey gobolka Gabiley.

Gobolka Awdal oo ay iska  horyimaadeen gobolka Sanaag, waxa gobolka Awdal laba gool kaga badiyey Gobolka Sanaag oo keensaday eber.   Saaxil waxay afar gool kaga badisay Xaysamo oo keensatay 1 gool.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland