4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Dhul-gariirkii ugu xoogga badnaa in ka badan 30 sano oo ku dhuftay Dalka Talyaaniga (DAAWO)


Axad, Oktoobar 30, 2016 (HOL) — Dhul-gariir xoog leh ayaa Gil-gilay Bartamaha Dalka Talyaaniga, gaar ahaan Deegaan aan ka fogeyn Gobolkii uu bishii Ogoosto ee sannadkan uu ku dhuftay dhul-gariir dilay ugu yaraan 300- qof.

Qiyaasta dhul-gariirkan cusub, ayaa lagu sheegay inuu ahaa 6.6 Rector oo ah qiyaasta lagu cabiro dhul-gariirrada, mana jiraan dhimasho uu sababay dhul-gariirkan oo lasoo sheegayo, balse warar ayaa sheegaya in dhaawacyo ay soo gaareen sagaal ruux.

Sidoo kale, Dhul-gariirkan ayaa noqonaya midkii ugu xoogganaa ee Talyaaniga ku dhufta muddo 36-sano laga joogo, iyadoo hay’adda Maraykanka u qaabilsan sahanka dhulalka ay sheegtay inay dhici karaan dhlu-gariirro kale oo dalkaas ka dhaca todobaadyada ama bilaha soo socda, kuwaasoo ay ku sheegeen kuwo yar-yar.

Baadariyaal jooga Kaniisad ku Taalla Norcia ayaa Twitter soo dhigay SAWIRRO laga soo qaaday kaniisada St Benedict oo dhul gariirku uu burburiyay. Sidoo kale waxaa la arkayay dad anfariirsan oo isugu soo baxay barxadaha iyo jidadka halkaas markii uu Dhul-gariirku dhacay saacadu markii ahayd 09:40 sida ay baahisay Wakaaladda Wararka ee AP.

Duqa Magaalada Ussita, Marco Rinaldi, ayaa isagana la hadlay Wakaaladda Wararka ee Dalka Talyaaniga ANSA, wuxuuna sheegay in Wax walba ay burbureen. Isla markaana uu muuqdo Qiiq cirka ku shareeran, isagoo yiri. “Musiibo aad u weyn ayaa dhacday.”

Hay'adda Talyaaniga u Qaabilsan badbaadada ayaa sheegtay in la eegayo baaxadda ay le'eg tahay dhibaatada dhul-gariirkani sababay. Magaalooyinka at ka mid yihiin Preci, Visso iyo Castelsantangelo, ayay Dadkii ka carareen, kaddib Dhul-gariirro Todobaadkii hore dhacay oo lagu qiyaasay cabirkooda in 5.5 iyo 6.1 ay u dhexeeyeen.

Ugu dambeyn, Dhul-gariirka awgiis ayaa waxaa la joojiyay Tareenada dhulka hoos mara ee magaalada Roma ee caasimadda Talyaaniga oo ka mid ahayd meelaha dhul-gariirkan ruxankiisa laga dareemay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya