4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Dowladda Jabuuti oo ka wal walsan in Al-shabaab carqaladeeyaan doorashada Soomaaliya

Axad, Oktober, 30, 2016 (HOL) - Iyadoo dhawaantan la filayo in qeybo badan oo ka mid ah dalka oo ay ka mid tahay caasimada Muqdisho ka dhacaan doorashooyinka 2016, ayaa dhinaca kale waxaa jira wal wal soo baxaya oo laga qabo in Al-shabaab carqaladeeyaan howlaha doorashada.

Wasiirka wasaarrada arrimaha dibada Jabuuti Max'ed Cali Yuusuf ayaa muujiyay wal walka ka dowlad ahaan ka qabaan in Al-shabaab meelaha qaar caqabad ku noqdaan hanaanka doorashada, iyaga oo tijaabinaya ayuu yiri awoodooda.

''Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab waxaa ay qorsheynayaan in ay naafeeyaan hab sami u socodka howlaha doorashada, iyaga oo xoojin doonan weerarada ka dhanka ah ciidammada AMISOM, kuwa dowladda iyo xarumaha muhiimka ah''ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo wareysi siinayay jariirada Horn Africa ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada dalkiisa ka jooga magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ay dhamaadkii todobaadkii tagay ay la kulmeen weerar ismiidaamin ah oo ay ku dhinteen saddex askari.

Dowladda Soomaaliya iyo ciidammada AMISOM ayuu ku booriyay in ay ka foojignaadaan qorshayaasha Al-shabaab.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya