4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
SAWIRRO: Gabar u ordaysa xildhibanka Garissa County ee Kenya oo OHIO lagu soo dhaweeyay

Axad, Oktoobar 30, 2016 (HOL) — Maryan Sh. C/qaadir oo ah Aqoon-yahanad ka mid ah Soomaalida-Kenya, isla markaana u ordaysa inay noqoto mudane dhinaca Garissa Kounty, ayaa lagu soo dhaweeyay Magaalada Columbus ee Gobolka Ohio, dalka Mareykanka.

Qaybaha bulshada oo soo dhaweynta ka qeyb qaatay ayaa aad ugu riyaaqay dadaalka ay ku jirto iyo wax qabadkeedii oo si weyn looga soo sheekeeyay, kuna qotomay gacan siinta dadka liita iyo Maatida oo ay gar gaari jirtay xili ay u shaqeyn jirtay Hay'adaha samafalka ee UN-ka.

Waxay Maryan dadkii ay la kulantay u sharaxday hanaanka doorashooyinka Kenya, sharciyada la badalay iyo sida Soomaalida kenya ay ugu bahanyihiin wali dad wax badan badali kara.

Ujeedku waxa uu ahaa Taageero iyo in ay muujiso in ay u taagantahay u adeegida dadka Soomaaliyeed ee ku nool dalka kenya sidii ay u heli lahayeen xaquuqdooda kaga maqan dhan walba.

"Waxaan u istaagi doonaa sidii dadka kala gadisan ee Kenya sida ay xaquuqdooda dhanka Diinta, dhaqanka iyo Nolosha u helaan in kuweena u helaan, sidii caruurteena loogu abuuri lahaa horumar dhanka waxbarashada si goobaha wax aqriska, in haweenka loo abuuro wax noloshooda horumarinka, iyo in la abuuro wadiiqo looga gudbi lahaa waxa loo yaqaan kala qoqobka iyo in aan is kala saarno, waxaan wax ka qaban doonaa qanuunka miiska saaran ee Caruurta oo aan qibrad iyo waayo aragnimo u leeyahay, gaar ahaan caruurta la korsado in aysan ku abtirsan karin cida korsatay balse uu xaq u leeyahay waxa ay ilamaha kale helaan"

Maryan oo xiliyo badna howlo shaqo u timid Mareykanka waxa ay ka mahadcelisay sida loo soo dhaweeyay iyo sida loogu muujiyay taagero.

Waxay dadkii ka hadlay fareen in madaxda iyo siyaasiyiinta soomaaliyeed ee Kenya ay noqdaan kuwo si weyn u xoojiya taagerida iyo is garab taaga dadka Soomaaliyeed ee ku nool Kenya iyo in dadka ay u sameeyaan sidii ay qeyraadka ugala soo bixi lahayeen dhulka iyo waxa alle siiyay.

Maryan waxa ay soo bandhigi doontaa Buug ay qortay dhawaan kaas oo ay ku daah furi doonto marka ay ku laabato dalkeeda hooyo

Deeqo Shire (SONNA)
[email protected]  
Columbus, OHIO, USA