4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Ciidamo ka wada tirsan ciidamada dawlada oo iska hor imaad uu ku dhexmaray Baydhabo

Axad, Oktober 30, 2016 (HOL)-Ugu yaraan saddex askari ayaa dhimatay kadib markii israsaaseyn ay ku dhexmartay Baydhabo ciidamo ka wada tirsan kuwa dawlada.

Ciidamada ayaa arimo ku saabsan siyaasad isku maandhaafay ka hor intii aysan dirirtu dhexmarin.

"Ugu yaraan 3 askari ayaa dhimatay halka 4 kalena ay dhaawacmeen," C/fitaax Ibraahim Geesey oo ah wasiirka amniga ee dawlada Koofur-Galbeed Soomaaliya ayaa sidaa warbaahinta u sheegay.  Si kastaba ha ahaatee wasiirku faahfaahin badan kama bixin dhibtaa.

Dadka qaadaa dhiga arimaha siyaasada ayaa sheegaya in u diyaar garowga doorashada ay dhibaatooyin noocaa oo kale ah oo kusaabsan murashaxiinta ay keentay qeybo kale oo dalka ah.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]