4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Ciidammada Galmudug oo xoog ku soo furtay gabar ajnabi ah oo u afduubneyd burcadeed

Axad, Oktober, 30, 16, 2016 (HOL) -- Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galguduud, ayaa sheegaya in ciidammada Galmudug xoog ku soo furteen gabar ajnabi ah oo burcadbadeed Soomaali ah ku heysteen deegaanka Camaara ee gobolka Mudug.

Haweeneydan ay soo furteen ciidammada ayaa la sheegay in ay u dhallatay dalka Kenya, waxaana ay muddo dheer gacanta ugu jirtay kooxo burcad badeed ah.

Ciidammad nabad-sugida Galmudug, ayaa howlgal qorsheysan oo ay ka sameeyeen deegaanka Camaara ku soo furteen gabadhan oo aan ilaa iyo hadda la sheegin  magaceeda iyo waxa ay ka shaqeyso.

Ma jirin wax dagaal ah oo dhaxmaray ciidammada Galmudug iyo kooxaha burcad badeeda ah ee gacanta ku hayay haweeneydan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in howlgalkan ay qeyb ka ahaayeen ciidammo aan ka tirsaneyn kuwa maamul gobolleedka Galmudug.

Ugu danbeyntii, kooxo burcad badeeda Soomaalida ayaa inta badan dadka u afduuban la soo galla deegaanno ka tirsan gobolka Mudug oo marar badan hore siddan oo kale looga furtay dad ay gacanta ku hayeen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya