4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Puntland iyo Galmudug oo maxaabiis isku dhaafsaday Gaalkacyo

Axad, Oktober, 30,  2016 (HOL) Maamullada Puntland iyo Galmudug oo waayadii ugu danbeeyayba dagaal xoogan oo ku dhaxmarayay magaalada Gaalkacyo, ayaa lagu waramayaa in galinkii danbe ee maalintii shalay is weydaarsadeen maxaabiis labada dhinac ku kala qabsadeen dagaallada.

Arrintan ayaa waxaa ku guuleystay oo ka soo shaqeeyay ganacsato iyo waxgarad ka soo kala jeedda labada dhinac, oo ku booriyay labada maamul in ay tallaabadan qaadaan.

Mid ka mid ah waxgaradka Gaalkacyo oo lagu magacaabo Nabadoon Cali Diiriye Aloore ayaa sheegay, dadka lagu qabtay dagaallada yihiin intooda badan dad shacab ah oo aan waxba ka quseyn dirirta labada dhinac u dhaxeysa.

“Waxgaradka labada dhinac ayaa dadaal u galay  siddii maxaabiistan leysku weydaarsan lahaa, Galmudug dhinaceeda waxaa ay soo wareejisay afar nin, halka Puntland ay soo wareejisay hal nin, ayuu yiri'' nabadoon Aloore.

Nabadoonka ayaa intaa ku darray in ay socdaan dadaallo la doonayo in lagu kala qaado ciidammada isku hor fadhiya qeybo ka mid ah magaalada.

Ugu danbeyntii, maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa dhowaan soo bandhigay maxaabiis ay sheegeen in ay dagaalada ku qabteen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya