4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Oct 30, 2016
Madaxweyne Erdogan oo dalbanaya in dib loo soo celiyo xukunkii dilka ee dalkiisa

Axad, Oktober, 30, 2016 (HOL) --Madaxweynaha dowladda Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa ka dalbaday baarlamaanka dalkiisa in dib loo soo celiyo xukunkii dilka ahaa,  isaga oo taa uga gon leh in la ciqaabo dadkii ka danbeeyay afgambigii dhicisoobay ee bishii July.

Waxaa uu ka dalbaday Erdogan mudanayaasha baarlamaanka dalkiisa in ay tixgaliyaan,islamarkaana hoose u eegaan soo jeedintiisa ku aadan in dib loo soo celiyo ciqaabta dilka.

Dowladda Turkiga ayaa joojisay sanadkii 2004, ciqaabta dilka, waxaana tallaabada madaxweyne Erdogan diidan oo siweyn uga soo horjeeda ururka midowga Yurub.

Waxaa ay hogaamiyayaasha midowga Yurub ka digayaan in dib loo soo celiyo xukunada dilka, taasoo saameyn ku yeelan doonta ka mid noqoshada Turkiga ee Ururka Midowga Yurub.

Dowladda Turkiga ayaa u xir xirtay dad tiradooda gaareyso 35 kun oo ruux afgambigii fashilmay ee dhacay bishii July ee sanadkan, waxaa ay dowladda Turkiga  afgambigaa dhicisoobay dusha ka saartay wadaadka dibad jooga ah Fethullah Gullen.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya