4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Sarkaal lagu dilay iska-horimaad xoogag kawada tirsan Shabaab ku Dhex-maray Gobolka Hiiraan
/images/2016/Apr/201649635957870213615583Xoogag_ka_tirsan_Al_shabaab_Aadan_Yabaal_660.jpgIsniin, Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ee Gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in koox ka wadda tirsan Al-shabaab iska-horimaad ku Dhax-maray deegaan lagu magacaabo Shaw oo qiyaastii 30km u jira degmada Jalalaqsi.

Iska-horimaadka oo xilli kooban socday ayaa waxaa lagu dillay sida ilo xog-ogaal ah u sheegeen HOL Guddoomiyihii Al-shabaab ee Deegaanka Halgan ee Gobolka Hiiraan oo lagu magacaabi jiray Max'ed Cumar Bucshar.

Goobjoogayaal ku sugan degmada Jalalaqsi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dagaalkan uu ka dhashay, kaddib muran soo dhaxgalay kooxda, kaasoo salka ku hayay Zakawaat la sheegay in Dadka Reer miyiga ah ee deegaannadaas ku dhaqan laga Qaaday.

Ugu dambeyntii, Inta badan marka dhacaan iska horimaadyada noocan oo kale ah wax war ah lagama hello Saraakiisha Kooxdaan oo Warbaahinta  la hadla oo kaliya Wakhtiyada ay jiraan Dagallada kala dhaxeeya ciidammada dowladda ama kuwa howlgalka midowga Africa AMISOM

Hiiraan Online, News Desk