4/29/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Madaxweynaha Somalia oo booqasho ku Gaaray Maanta Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay
/images/gallery/2016/jun/2016622636021804235494125Xasan_Sheekh_oo_Baydhabo_tagay%20(2).jpgIsniin, Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar aan lasii shaacin ku tagay degmada Baydhabo ee Gobolka Bay oo ah xarunta KMG ee maamul goboleedka Koonfuur-galbeed.

Xasan Sheekh oo qaybaha bulshada kula hadlayay Baydhabo ayaa sheegay in ujeeddada socdaalkiisa uu yahay dar-dar-gelinta Hawlaha Doorashooyinka Sannadkan 2016-ka ka dhici doona deegaannada maamul-goboleedyada.

“Ujeeddada booqashadeyda Baydhabo waa inaan maamulka iyo shacabka Koonfuur-galbeed ku dhiirri-gelinno in la dardar-geliyo hawlaha doorashada 2016, lagana shaqeeyo in si hab-sami leh doorashadan taariikhiga ah ay inoogu qabsoonto. Baaqaasna waa mid aan dadka Soomaaliyeed oo dhan u jeedinayo. Ujeeddada labaad waxay tahay inaan mar kale ku baaqo, idinna faro in qoondada haweenka ee labada Aqal-na la dhaqan-geliyo, Maadaama go’aankaas uu yahay siyaasad Qaran oo khuseysa Soomaalida oo dhan,” ayuu yiri Madaxweynaha Xasan Sheekh.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa xusay in Somalia ay horay u dhaqaaqday, uuna filayo in dhallinyarada iyo haweenka u hanqal taagaya inay kuraasta labada aqal u tartamaan ay door-weyn ka qaadan doonaan safarka dowlad dhisidda cusub ee Soomaaliya.

Madaxweyna Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay iska ilaaliyaan khilaafaadka, kala shakiga iyo cabsida dhexdooda ah, ayna u midoobaan in waddanka ay ka dhacaan Doorashooyinka Dadban ee lagu heshiiyay si loo abuuro kalsooni sal-adag leh oo shacabka ka dhexeysa.

“Doorashada sannadkan 2016-ka - waa tallaabo taariikhi ah oo dalka loogu diyaarinayo doorashooyin qof iyo cod ah oo Dalka ka dhaca sannadka 2020-ka. Waxaa hadafkeennu yahay inaan dhisno Somalia Cusub oo ku saleysan dimuqraadiyad iyo wada-oggol,’’ ayuu mar kale yiri Madaxweyne Xasan.

Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Bay ayaa waxay noqonaysaa deegaankii ugu horreeyay ee maamul-goboleedyada dalka ee lagu wado inay toddobaadka soo socda ka billowdaan doorashooyinka lagu soo xulayo xildhibaannada cusub ee aqallada baarlamaanka Somalia oo uu booqdo madaxweynaha Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya