4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Dibadbax Roob-doon ah oo Madaxda Puntland ay ka Qayb-galeen oo ka dhacay Garoowe (Sawirro)
Isniin, Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Bannaan-bax Roob-doon ah, ayaa maanta lagu Qabtay Dulleedka Magaalada Garoowe ee xarunta Puntland, kaddib markii Wasaaradda Cadaaladda Puntland ay horay u iclaamisay in degmooyinka Puntland oo dhan ee laga Roob-doono.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, Madaxda Wasaaradaha, Agaasimayaasha, Wax-garad, Haween iyo Dhallinyaro, Siyaasiin iyo Qaybaha kale ee Bulshada ayaa ka qayb-galay isku-soo-baxan roob-doonka, kaasoo ALLE looga barayay in uu kulaylka ka Duqaado ummadda k nool Deegaannada ay Abaartu ku dhufatay.

Intii lagu gudo-jiray bannaan-baxaan Roob-doonka ah ayaa waxaa ka hadlay Culummo, Isimo, Aqoon-yahanno, Madaxweynii hore ee Puntland C/raxmaan Faroole  iyo xubno kale, kuwaasoo Shacabka Soomaaliyeed ee Abaaruhu ku yeesheen saameynta ugu duceeyay in ALLE uu ka dul-qaado kuleylka uuna ugu deeqo Raxmaddiisa.

Wasiirka Cadaaladda Puntland, Saalax Xabiib Jaamac ayaa isna ka codsaday Ummadda Soomaaliyeed inay is-cafiyaan, isku naxriistaan, si RABBI uu ugu naxriisto una siiyo raxmaddiisa. Wuxuuna intaa ku daray inay jiraan maanta dad badan oo dulman iyo kuwo gaajoonaya oo u baahan in laga caawiyo.

Sidoo kale, Wasiir ku xigeenka Arrimaha Gudaha Puntland, C/llaahi Xaashi Qoob-deero oo isagana ka hadlay dibadbaxa ayaa sheegay in meelo badan oo Puntland ka mid ah maanta laga roob-doonay, kuwa dhimanna berri laga bannaan-bix idoono si ALLE looga baryo.

Dhinaca kale, Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cameey iyo madaxweynihii hore ee Puntland oo Iyana ka hadlay Roob-doonka ayaa ALLE ka baryay inuu ummaddiisa siiyo raxamaddiisa, iyagoo dhanka kale Soomaaliya u Rajeeyay inuu ka hana-qaado sannadkan isbeddel wanaagsan.

Ugu dambeyn, Waxaa dibadbaxan Roob-doonka ah soo xiray qaar ka mid ah Isimada iyo culummada Soomaaliyeed, kuwaasoo goobta ka duceeyay, xilli qorraxadu ay maanta aad u kululeyd.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail: [email protected]
Garoowe, Puntland - Soomaaliya