SAWIRRO: Dhaqanka Soomaaliyeed oo lagu soo bandhigay Jaamacada Karachi ee dalka Pakistan
Isniin,
Oktoobar 03, 2016 (HOL) — Xaflad ballaaran oo ay soo qaban-qaabiyeen Ardayda
Soomaaliyeed ee Wax-ka-barta Jaamacadda Karachi ee dalka Pakistan, ayaa lagu soo
badhigay Dhaqanka Soomaalida, waxaana ka soo qayb-galay hormuudka kulliyadaha kala
duwan ee Jaamacaddaas.
Dhaqanka
iyo Hiddaha Soomaalida ee lagu soo bandhigay munaasabaddaas, waxaa ka mi
ah; cunnooyin iyo qaar ka mid ah Cayaaraha Hiddaha iyo Dhaqanka Soomaalida.
Sidoo
kale, Xafladdaan ayaa waxaa ku sugnaa arday kala duwan oo ay ka mid yihiin kuwo
u dhashay Waddanka Pakistan. kuwaasoo xiiseynayay Dhaqanka ay sida gaarka ah u
leeyihiin Soomaalida.
Xafladdaan
oo aheyd mid Qrrux badan, ayaa waxaa lagu daah-furay Astaanka Qaranka Somalia,
iyadoo kasoo qayb-galayaashii u istaageen si ay xushmad ugu muujiyeen ardeyda Soomaaliyeed
ee wax ka barta Pakistan.
Hormuudka
Kulliyadda Caafimaadka ee Jaamacadda Karachi, Iqbal Azhar oo munaasabada ka
hadlay ayaa u mahad-celiyey intii soo agaasintay xafladda, waxuu kaloo ammaanay
ardayda Soomaalida ee Kulliyada Farmashiga oo ah Kuliyadda ugu badan ee
Soomalida Jaamacada Karachi ay dhigtaan.
Dhanka
kale, Tanzeem Adam oo ah Hormuudka Kuliyadda Micro-biology oo hadalka qaadatay ayaa
ka sheekeysay Soomaalida xiligeeda waxbarashada Jaamacadda iyo sidii ay u
dadaal badnaayeen, iyadoo sheegtay inay ardayda Soomaaliyeed oo buundo fiican
ka keeni jiray Imtixaanaadka.
Ugu
dambeyn, Martida ayaa intaas kaddib billaabay inay cunaan cuntadii ay
Soomaalidu soo bandhigeen, waxayna si aad h uga maqsuudeen cuntadii ay
Soomaalidu munaasabadda kusoo bandhigeen.
Si
kastaba ha ahaatee, Jaamacadda Karachi waxaa dhigta Soomaali badan; waana Jaamacad
Dowli ah oo ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn Dalka Pakistan, waxaana dhigta 20,000
oo arday ah.
Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya