4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Oct 3 , 2016
Kenyan aad u badan oo wali ku dhex nool qaxootiga xeryaha Dhadhaab

 

Isniin, Oktober 03, 2016 (HOL)-Tirakoob lagu sameeyay qaxootiga Dhadhaab ayaa lagu ogaaday in tobanaan kun oo Kenyan ah ay ku dhex nool yihiin qaxootiga xeryaha Dhadhaab kujira.

 

Dadkaa reer Kenya ah ee qaxootiga ku dhex nool ayaa leh aqoonsiyo aad u wanaagsan -waa dukumiintiyo aqoonsi. Tirakoobkaa ayaa waxaa la sameeyay sanadkaan gudihiisa.

Hayada UNHCR ayaa arinkaa xaqiijisay. '24,655 qof ayaa qiray inay yihiin Kenyan sidii qaxooti loo diiwaan galiyay'.  Warbixin UNHCR soo saartay ayaa sidaa lagu xusay.

Dadkaa ayaa xeryaha isaga diiwaan galiyay si ay cunno iyo adeegyo kale sida qaxootiga ay uga helaan heyadaha.

Bishii Luuliyo ee lasoo dhaafay ayaa UNHCR sheegtay in dadkaa lala rari doono qaxootiga oo Soomaaliya la geyn doono.

QM ilaa iyo hadase waxay ku wareersan tahay waxa laga yeeli doono dadkaa marka qaxootigii Soomaaliya dib dalkooda loogu cesho ayadoon la hubin in sidii markii hore ay hayadaasi sheegtay aan la wada yeeli karin maadaama dadkaasi Kenyan ay yihiin ee reer Soomaaliya aysan ahayn.

Boqolaal kun oo qaxooti ah oo Soomaaliya ka yimid ayaa wali kunool xeryaha Dhadhaab walow qaar dib loo celiyay.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]